{"id":3036,"date":"2018-08-02T09:05:38","date_gmt":"2018-08-02T08:05:38","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=3036"},"modified":"2018-08-02T09:05:38","modified_gmt":"2018-08-02T08:05:38","slug":"arsenal-oo-guul-soo-daahday-ka-gaartay-chelsea","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/arsenal-oo-guul-soo-daahday-ka-gaartay-chelsea\/","title":{"rendered":"Arsenal Oo Guul soo daahday ka gaartay Chelsea."},"content":{"rendered":"<p>Kooxda Arsenal ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Chelsea kulan ka tirsan kulamada isku diyaarinta labada kooxood ee xilli ciyaareedka cusub kana tirsan tartanka International champions Cup-ka.<\/p>\n<p>Maurizio Sarri iyo Unia Emery ayaa iska hor yimid Derby-gii ugu Horeeyay ee London ee xirfadooda tababarenimo intii ay hogaaminayeen labada kooxood.<\/p>\n<p>Labada tababare ayaa kulanka u arkayay mid muhiim ah waxana ay ku soo galeen shaxdooda ugu adag iyaga oo xiddigaha ugu muhiimsan ee ay haysteen ku soo bilowday.<\/p>\n<p>Kooxda chelsea ayaa ka awood badnayn kooxda Arsenal iyada oo waliba ka fursado badnayd kana halis badnayd marka loo eego dhanka fursadaha.<\/p>\n<p>Chelsea ayaa daqiiqadii 5-aadba dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Antonio Ruediger kaas oo ciyaarta ka dhigay 1\/0.<\/p>\n<p>Alvaro Morata ayaa kooxda chelsea ka khasaariyay fursado goolal badan laga dhalin karo oo u jiro rikoodhe kaas oo uu ka qabtay Petr cech.<\/p>\n<p>Arsenal ayaa iyadu ku dhibaatootay in ay weeraro ku qaado kooxda chelsea xilli ay fursadaha yar ee ay helaana ay iska khasaarinayeen.<\/p>\n<p>Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1\/0 ku hogaaminayso laakiin dhalin kartay goolal ugu yaraan 3 gool ah marka loo eego fursadihii ay iska khasaariyeen.<\/p>\n<p>Ciyaarta ayaana kuso dhamaatay bar-baro 1-1 ah balse rigoorayaal 6-5 waxey guusha ku raacday Arsenal.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kooxda Arsenal ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Chelsea kulan ka tirsan kulamada isku diyaarinta labada kooxood ee xilli ciyaareedka cusub kana tirsan tartanka International champions Cup-ka. Maurizio Sarri iyo Unia Emery ayaa iska hor yimid Derby-gii ugu Horeeyay ee London ee xirfadooda tababarenimo intii ay hogaaminayeen labada kooxood. Labada tababare ayaa kulanka u&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":3037,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3036"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3036"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3036\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3037"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3036"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3036"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3036"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}