{"id":28907,"date":"2019-09-19T12:20:17","date_gmt":"2019-09-19T11:20:17","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=28907"},"modified":"2019-09-19T12:22:46","modified_gmt":"2019-09-19T11:22:46","slug":"kheyre-oo-kulan-amaanka-looga-hadlayay-la-yeeshay-madaxda-k-galbeed-hirshabelle","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/kheyre-oo-kulan-amaanka-looga-hadlayay-la-yeeshay-madaxda-k-galbeed-hirshabelle\/","title":{"rendered":"Kheyre oo kulan amaanka looga hadlayay la yeeshay  Madaxda K\/Galbeed &#038; Hirshabelle"},"content":{"rendered":"<p align=\"left\">Ra\u2019iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta guddoomiyay shir ay kasoo qayb galeen safiirrada wadamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada Al-shabab uga sugantahay dalka.<\/p>\n<p align=\"left\">Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada lagu baacsanayo Al-shabab iyo in kaalmada amni ee dowladaha saaxiibka la ah Sooomaaliya loo qaabeeyo hannaan la jaan qaadaya qorshaha dowladda iyo rabitaanka ummadda Soomaaliyeed, guulna looga gaaro dadaallada xoreynta iyo adkeynta amniga.<\/p>\n<p align=\"left\">Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle oo shirka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xoreynta goballada Shabeellooyinku ay muhiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga caasimadda.<\/p>\n<p align=\"left\">Ra\u2019iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka ka sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay ciidanka labadii sano ee laso dhaafay, lana ogyahay tirada iyo tayada ciidanka, dalkuna uu leeyahay rejo wanaagsan oo dhanka amniga iyo xoreynta ah, ayaa wakiillada beesha caalamka u caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan taageera amni oo wax ku ool ah.<\/p>\n<p align=\"left\">Dowladda Soomaaliya oo daddaal xooggan ugu jirta sidii mas\u2019uuliyadda amniga ula wareegi lahaayeen ciidamada qalabka sida, ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxa ay dib-u-habeyn ballaaran ku sameysay ciidamada qaranka, arrintaas oo fududeysay in deegaanno badan laga xoreeyo Al-shabab, dibna ay uga billaabato nolol bulsho oo dhammeytiran.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta guddoomiyay shir ay kasoo qayb galeen safiirrada wadamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada Al-shabab uga sugantahay dalka. Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada lagu baacsanayo Al-shabab iyo in kaalmada amni ee dowladaha saaxiibka la ah Sooomaaliya&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":28908,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,81,79,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28907"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28907"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28907\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28908"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28907"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28907"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28907"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}