{"id":2885,"date":"2018-07-31T09:50:40","date_gmt":"2018-07-31T08:50:40","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=2885"},"modified":"2018-07-31T09:50:40","modified_gmt":"2018-07-31T08:50:40","slug":"ac-milan-iyo-juventus-oo-isla-meeldhigay-heshiiska-gonzalo-higuain","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/ac-milan-iyo-juventus-oo-isla-meeldhigay-heshiiska-gonzalo-higuain\/","title":{"rendered":"AC Milan iyo Juventus oo isla meeldhigay heshiiska Gonzalo Higuain."},"content":{"rendered":"<p>Walaalka la dhashay Weeraryahanka Gonzalo Higuain ahna wakiilkiisa ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sugan yahay Milan isaga oo wadahadalo kula jira agaasimaha cusub ee kooxda Ac Milan ee Leonardo.<\/p>\n<p>Sida laga soo xigtay Sky Sport Leonardo ayaa la kulmay wakiilka Gonzalo Higuain maanta galabnimadii isaga oo isku dayaya in uu ku qanciyo in uu xiddigu ku biiro kooxda San Siro.<\/p>\n<p>Warkan ayaa soo baxaya kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in uu shaki ku jiro heshiiska amaahda ah ee uu 30 jirkan ugu biirayo kooxda San Siro.<\/p>\n<p>Saxafiga Romeo Agresti ayaa intaas ku daraya in labada kooxood ka heshiiyeen heshiis amaah ah oo ay Ac Milan marka hore bixin doonto 18 Milyan oo euro iyo 36 milyan oo xagaaga ah.<\/p>\n<p>Warkan ayaa dhirbaaxo ku noqonaya kooxda chelsea oo si weyn ugu raad joogta saxiixa xiddigan doonaysana in ay dib ula midoobayso taabbare Maurizio Sarri.<\/p>\n<p>Haatan kooxda Ac Milan ayaa isku dayaysa in ay heshiiska shaqsiga ah la gaarto xiddiga iyaga oo ku rajo weyn In ay heshiiska shaqsiga la gaari doonaan xiddiga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Walaalka la dhashay Weeraryahanka Gonzalo Higuain ahna wakiilkiisa ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sugan yahay Milan isaga oo wadahadalo kula jira agaasimaha cusub ee kooxda Ac Milan ee Leonardo. Sida laga soo xigtay Sky Sport Leonardo ayaa la kulmay wakiilka Gonzalo Higuain maanta galabnimadii isaga oo isku dayaya in uu ku qanciyo in&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":2888,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2885"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2885"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2885\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2888"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2885"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2885"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2885"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}