{"id":2440,"date":"2018-07-26T08:28:16","date_gmt":"2018-07-26T07:28:16","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=2440"},"modified":"2018-07-26T08:28:16","modified_gmt":"2018-07-26T07:28:16","slug":"meydka-injineer-dhisayay-biya-xireenka-itoobiya-ee-wabiga-niil-oo-la-helay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/meydka-injineer-dhisayay-biya-xireenka-itoobiya-ee-wabiga-niil-oo-la-helay\/","title":{"rendered":"Meydka Injineer dhisayay Biya xireenka Itoobiya ee Wabiga Niil oo la helay."},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imanaya Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in saaka la helay Meydka Injineer Simegnew Bekele oo ahaa madaxa Mashruuca Biya xireenka Itoobiya ee Wabiga Niil.<\/p>\n<p>Meydkiisa ayaa laga dhex helay Gaarigiisa oo yaallay Fagaaraha Meskel ee Magaalada Adis ababa iyada oo dadka dalkaasi ay saaka aad u hadal hayaan arrintan.<\/p>\n<p>Mashruuca biya xireenka Itoobiya ee Wabiga Niil,waxaa ku diiddan dowlado ay ugu horreyso Masar oo mar sheegtay in ay dagaal ka xigto dhismaha Biya xireenkaas.<\/p>\n<p>Mashruucan waxaa ku baxday lacag dhan $4 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah,waxaana ay dowladda sheegtay in Mashruucaas Korontada ay ka dhaliso gaarsiin doonto dalalka dibadda ah.<\/p>\n<p>Nolosha Dadka Masar ayaa 93% waxaa ay ku tiirsan tahay biyaha Wabiga Niil ee mara waddamada Suudaan,Masar iyo Itoobiya.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Masar C\/Fataax Al siisi ayaa dhawaan dhaariyay Ra\u2019isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed isaga oo ballan qaaday in biya xireenkaas uusan saameyn doonin shacabka Dalka Masar.<\/p>\n<p>Ma jirto cid sheegatay ama loo soo qabtay dilka Injineerkii madaxda ka ahaa mashruuca biya xireenka Wabiga Niil ee dalka Itoobiya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imanaya Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in saaka la helay Meydka Injineer Simegnew Bekele oo ahaa madaxa Mashruuca Biya xireenka Itoobiya ee Wabiga Niil. Meydkiisa ayaa laga dhex helay Gaarigiisa oo yaallay Fagaaraha Meskel ee Magaalada Adis ababa iyada oo dadka dalkaasi ay saaka aad u hadal hayaan arrintan. Mashruuca&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2441,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2440"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2440"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2440\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2441"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2440"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2440"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2440"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}