{"id":23980,"date":"2019-06-13T16:10:56","date_gmt":"2019-06-13T15:10:56","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=23980"},"modified":"2019-06-13T16:40:09","modified_gmt":"2019-06-13T15:40:09","slug":"qaraxyo-lala-beegsaday-laba-markab-oo-siday-shidaal-oo-marayey-gacanka-cummaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/qaraxyo-lala-beegsaday-laba-markab-oo-siday-shidaal-oo-marayey-gacanka-cummaan\/","title":{"rendered":"Qaraxyo lala beegsaday laba Markab oo siday Shidaal oo Marayey gacanka Cummaan"},"content":{"rendered":"<p>Qaraxyadan oo ahaa kuwo isku xigay ayaa maanta lala beegsaday laba Markab oo shidaal (Nafto) u waday waddanka Jabban, Maraakiibtu waxa ay u dhowaayeen xeebaha Iiraan, Ururka Badaha ee howlaha Ganacsiga ee Ingiriiska ayaa warbixin uu shaaciyey ku xaqiijiyey in ay soo gaartay Qaylo-dhaan caawin dalbasho \u00a0ah oo ay dalbadeen labada Markab intii weerarku socday.<\/p>\n<p>Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in mid kamid ah labada Markab oo lagu magacaabo Front Altair uu ku degay badda gacanka Cummaan, waxa ay xukuumadda Iiraan sheegtay in ay badbaadisay shaqaalihii saarnaa labada Markab oo gaarayey 44 ruux.<\/p>\n<p>Illaa hadda ma cadda cidda kadambeysa weerarka lagu qaaday Maraakiibtan<\/p>\n<p>Weerarka Markabka Front Altair oo ay leedahay Norway ayaa sida ay kuwarrantay hay\u2019adda badaha ee Oslo waxa uu kadhashay 3 qarax oo kadhacay gudaha Markabka kaas oo siday 75 kun oo tan oo Nafto ah.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-23982\" src=\"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Markab1.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"519\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Markab1.jpg 800w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Markab1-300x195.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Markab1-768x498.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Markab1-696x452.jpg 696w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Markab1-647x420.jpg 647w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/p>\n<p>Markabka kale oo lagu magacaabo Kokuka Courageous\u00a0lagana leeyahay Jabbaan ayaa siday maaddada Methanol sidaas awgeedna lagama cabsi qabin in ay degto balse shaqaalihii saarnaa waxa kasaaray oo badbaadiyey Doon isla goobta shilu kadhacay mareysay.<\/p>\n<p>Markab Kokuka Courageous\u00a0 ayaa weerarku kuqabsaday meel Imaarada Fujeyra ee Imaaraadka carabta u jirta 80 Km halka Iiraanna ay goobtaasi u jirto 16 Mayl.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-23983\" src=\"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Gacanka-Cummaan.png\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"716\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Gacanka-Cummaan.png 640w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Gacanka-Cummaan-268x300.png 268w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Gacanka-Cummaan-375x420.png 375w\" sizes=\"(max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/p>\n<p>Warbaahinta Iiraan ayaa kuwarrantay in hugunka Qaraxyada lagu weeraray Maraakiibtan laga maqlay waddanka Baakistan iyada oo shaqaalihii saarnaana ay kaalmo weydiisteen dowladaha kullaalaha gacanka Cummaan.<\/p>\n<p><strong>Isha: BBC News-BBC Arabic- Aljazeera<\/strong><\/p>\n<p><strong>Mustaqbal\u00a0<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qaraxyadan oo ahaa kuwo isku xigay ayaa maanta lala beegsaday laba Markab oo shidaal (Nafto) u waday waddanka Jabban, Maraakiibtu waxa ay u dhowaayeen xeebaha Iiraan, Ururka Badaha ee howlaha Ganacsiga ee Ingiriiska ayaa warbixin uu shaaciyey ku xaqiijiyey in ay soo gaartay Qaylo-dhaan caawin dalbasho \u00a0ah oo ay dalbadeen labada Markab intii weerarku socday&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":23981,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23980"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23980"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23980\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/23981"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23980"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23980"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23980"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}