{"id":23964,"date":"2019-06-13T11:14:12","date_gmt":"2019-06-13T10:14:12","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=23964"},"modified":"2019-06-13T11:28:55","modified_gmt":"2019-06-13T10:28:55","slug":"maxey-tahay-sababta-uu-xildhibaan-rashiid-amiin-maanta-u-jirdilay-xildhibaanad-faadumo-geeddi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxey-tahay-sababta-uu-xildhibaan-rashiid-amiin-maanta-u-jirdilay-xildhibaanad-faadumo-geeddi\/","title":{"rendered":"Maxey tahay sababta uu Xildhibaan Rashiid Amiin maanta u jirdilay Xildhibaanad Faadumo Geeddi?"},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaanad Faadumo Geeddi oo ka mid ah Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta waxaa feeray Xildhibaan Rashiid Amiin oo ay ka soo wada jeedaan Magaalada Wajeer.<\/p>\n<p>Xildhibaanadda ayaa sawirro laga qaaday waxaa ay muujinayaan dhiig ka baxaya afkeeda, iyada oo ka hadleysay XIldhibaanka feeray ayaa waxaa ay tiri: \u201c wuxuu igu tilmaamay Istubid, iyo micno la\u2019aan, waa uu I garaacay, waan naxay, waan aamini waayay, wuu igu soo laabtay oo haddana wuu I garaacay\u201d.<\/p>\n<p>Waxa sidaas u galay waa Xildhibaan Rashiid Amiin oo ah Xildhibaanka Bariga Wajeer, markii arrintan wax laga weydiiyay ma qiranin mana dafirin.<\/p>\n<p>Xildhibaannada iyo waardiyayaashii kale ee ku sugnaa goobta Gawaarida la dhigto ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Rashiid Amiin uu ka careysnaa sababta Faadumo oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda aysan bulshada uu matalo ee Bariga Wajeer miisaaniyad u siinin markii ay booqaneysay maaddaama ay siisay gobollada kale.<\/p>\n<p>Faadumo ayaa u sheegtay Wargeyska The Star in Xildhibaanka ay si wanaagsan isku salaameen markii hore, markii uu su\u2019aasha la xiriirta dhaqaalaha degaankiisa weydiiyayna ugu jawaabtay, \u201cadiga oo aan marti kuu ahayn meesha ma aadan joogin, dadkaagiina isuma aadan keenin si ay u soo bandhigaan baahidooda\u201d.<\/p>\n<p>Intaas kaddib Rashiid ayaa ka carooday hadalkaas caay iyo feerna kala daalay Xildhibaannad Faadumo Geeddi oo ah Haweeeneyda Baarlaamka ku matasha Haweenka Wajeer.<\/p>\n<p>Wanga, oo ah qof la socday ayaa sheegay in labada Xildhibaan ay af Soomaali ku wadahadlayeen isagana uusan waxbadan ka fahmeyn,\u201dwax yar kaddib waxaan arkay Rashiid oo Faadumo ka feeraya Xabadka, iyada wey ooyeeysay, dhiigna waa ka socday\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Waxaa la geeyay Isbitaalka Karen Hospital, halkaas oo gar gaar deg deg ah loogu sameeyay kaddibna waxaa ay iska xaadirisay saldhigga Booliska halkaas oo looga qoray O-B-ga.<\/p>\n<figure style=\"width: 750px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/lh3.googleusercontent.com\/AUPoA2fbAglZT3TnHnwKDDkFez2tMq0CG1w6iLTXv97H2NrP25if0ls2L9cUU21FoTHGDY9E48PDcYIn9zQKMN2Qosnh=s750\" alt=\"\" width=\"750\" height=\"356\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Xildhibaanad Fadumo oo saldhigga ka qoraneysa dacwadda ka dhanka ah Xildhibaan Amiin.<\/figcaption><\/figure>\n<p>Wargeyska The Star ayaa la xiriiray Rashiid Amiin,waxaana uu ku soo gaabsaday \u201cwaa xan, wax kastana waxaan uga jawaabayaa Booliska\u201d.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal Radio.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0Wajeer.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaanad Faadumo Geeddi oo ka mid ah Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta waxaa feeray Xildhibaan Rashiid Amiin oo ay ka soo wada jeedaan Magaalada Wajeer. Xildhibaanadda ayaa sawirro laga qaaday waxaa ay muujinayaan dhiig ka baxaya afkeeda, iyada oo ka hadleysay XIldhibaanka feeray ayaa waxaa ay tiri: \u201c wuxuu igu tilmaamay Istubid, iyo micno la\u2019aan,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":23965,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23964"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23964"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23964\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/23965"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23964"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23964"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23964"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}