{"id":23484,"date":"2019-06-05T09:58:40","date_gmt":"2019-06-05T08:58:40","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=23484"},"modified":"2019-06-05T09:58:40","modified_gmt":"2019-06-05T08:58:40","slug":"saraakiil-amisom-ka-tirsan-oo-isaga-baxay-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/saraakiil-amisom-ka-tirsan-oo-isaga-baxay-dalka\/","title":{"rendered":"Saraakiil AMISOM ka tirsan oo isaga baxay dalka"},"content":{"rendered":"<p>58; ka mid ah Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa isaga baxay dalka kuwaas oo dhameystay howlihii ay u hayeen AMISOM.<\/p>\n<p>Saraakiishan ayaa waxaa ay inta badan ka shaqeynayeen xarumaha ugu waaweyn ee AMISOM ku leedahay Soomaaliya.<\/p>\n<p>Tigabu Yilma oo ah Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaliya ayaa billado guddoonsiiyay saraakiisha AMISOM ka tirsan ee ka baxay Dalka.<\/p>\n<p>Isaga oo la hadlayay Saraakiisha ayuu yiri &#8220;dadaalkiinna waxaa uu horseeday in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay nabad ku naalloodaan, Muqdisho kaliya maahee xitaa qeybo ka mid ah Goboollada&#8221;.<\/p>\n<p>Intii Munaasibaddaadi socotay ayaa waxaa Taliyaha lagu wareejiyay Koob ay ku guuleysteen saraakiishan oo qaaday tartan Kubadda Gacanta ah oo ay qaban qaabisay AMISOM.<\/p>\n<p>Taliyayaasha AMISOM ayaa u mahadceliyay Saraakiisha kala duwan ee ka baxay Soomaaliya,waxaana ay ugu hambalyeeyeen sida ay ugu guuleysteen howshoodii Soomaaliya ee dhamaatay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>58; ka mid ah Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa isaga baxay dalka kuwaas oo dhameystay howlihii ay u hayeen AMISOM. Saraakiishan ayaa waxaa ay inta badan ka shaqeynayeen xarumaha ugu waaweyn ee AMISOM ku leedahay Soomaaliya. Tigabu Yilma oo ah Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaliya ayaa billado guddoonsiiyay saraakiisha AMISOM ka tirsan ee ka baxay Dalka&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":23488,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23484"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23484"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23484\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/23488"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23484"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23484"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23484"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}