{"id":23483,"date":"2019-06-05T07:40:10","date_gmt":"2019-06-05T06:40:10","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=23483"},"modified":"2019-06-05T07:40:10","modified_gmt":"2019-06-05T06:40:10","slug":"msf-oo-ku-baaqday-in-degdeg-loogu-gurmado-soomaalida-ku-xiran-liibiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/msf-oo-ku-baaqday-in-degdeg-loogu-gurmado-soomaalida-ku-xiran-liibiya\/","title":{"rendered":"MSF oo ku baaqday in degdeg loogu gurmado Soomaalida ku xiran Liibiya"},"content":{"rendered":"<p>Hay&#8217;adda MSF ayaa ku baaqday in gurmad degdeg ah lala gaaro Tahriibayaasha ay ku jiraan Soomaalida ee ku xir xiran Xabsiyada dalka Liibiya.<\/p>\n<p>MSF ayaa sidoo kale ku baaqday in Midowga Yurub uu joojiyo lacagaha uu ku bixiyo Ciidamada badda dalka Liibiya.<\/p>\n<p>Ciidanka Badda ee Liibiya ayaa lagu eedeeyay jirdil iyo gaboodfallo ka dhan ah Tahriibayaasha ay gacanta ku hayaan.<\/p>\n<p>Madaxa MSF ee dalka Liibiya Sam Turner, oo shir jaraa&#8217;id shalay qabtay ayaa sheegay in xalka kaliya ee dadkaas loogu gurman karo ay tahay in la geeyo Qaaradda Yurub,maaddaama Ciidamada dowladda Liibiya ay si arxan daran ula dhaqmayaan dadka.<\/p>\n<p>Hay&#8217;adaha xuquuqda aadanaha ee ka howlgala Liibiya ayaa sheegay in caasimadda Liibiya ay ku xir xiranyihiin tahriibayaal gaaraa 6,000, halka dhulka ay ka taliyaan Magafayaasha ay ku xir xiranyihiin tiro intaas ka badan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hay&#8217;adda MSF ayaa ku baaqday in gurmad degdeg ah lala gaaro Tahriibayaasha ay ku jiraan Soomaalida ee ku xir xiran Xabsiyada dalka Liibiya. MSF ayaa sidoo kale ku baaqday in Midowga Yurub uu joojiyo lacagaha uu ku bixiyo Ciidamada badda dalka Liibiya. Ciidanka Badda ee Liibiya ayaa lagu eedeeyay jirdil iyo gaboodfallo ka dhan ah&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":23485,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23483"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23483"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23483\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/23485"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23483"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23483"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23483"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}