{"id":23472,"date":"2019-06-05T06:24:44","date_gmt":"2019-06-05T05:24:44","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=23472"},"modified":"2019-06-05T11:55:35","modified_gmt":"2019-06-05T10:55:35","slug":"askar-kenyaan-ah-iyo-xubno-ka-mid-ah-al-shabaab-oo-ku-dhintay-dagaal-dhexmaray-labada-dhinac","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/askar-kenyaan-ah-iyo-xubno-ka-mid-ah-al-shabaab-oo-ku-dhintay-dagaal-dhexmaray-labada-dhinac\/","title":{"rendered":"Askar Kenyaan ah iyo xubno ka mid ah Al-shabaab oo ku dhintay dagaal dhexmaray labada dhinac"},"content":{"rendered":"<p>Ugu yaraan Askari Kenyaan ah iyo mid ka mid ah Ciidamada A-shabaab ayaa kku geeriyooday halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kadib markii labada dhinac ay ku dagaallameen meel 6km u jirta sohdinta.<\/p>\n<p>Isu duwaha amniga Gobolka Somaalida ee Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka soo gudbeen sohdinta salddhigna ka sameysteen degaanka Dawaduba oo 6km u jirta Sohdinta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dagaalka ayaa shalay ka dhacay meel ku dhow Tuulada Fiino lagu magacaabo oo kulaasha Sohdinta Kenya iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Maxamuud Biriq ayaa sheegay in Ciidamada dowladda oo ka warhelay saldhigga ay Al-shabaab ka sameysteen degaankaas ayaa weerar ku qaaday,waxaana ku dhintay mid ka mid ah Ciidamada Booliska keydka ee Kenya oo dagaalka ku jiray.<\/p>\n<p>Dowladda Kenya ayaa wali raadineysa labo dhaqtar oo udhashay Cuba kuwaas oo ay sheegtay in ay ku tabeyso AL-shabaab.<\/p>\n<p>Afduubayaasha ayaa dalbaday lacag madaxfurasho ah,waxaana lagu qiyaasay $1,5Milyan oo doollarka Mareykanka ah.<\/p>\n<p>Dowladda Kenya ayaa sheegtay in siyaasaddeeda aysan ku jirin in ay bixiso Madaxfurasho,taas bedelkeedana ay Ciidamadeeda ku howllanyihiin sidii ay u soo furan lahaayeen Dhaqaatiirka Cuba.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ugu yaraan Askari Kenyaan ah iyo mid ka mid ah Ciidamada A-shabaab ayaa kku geeriyooday halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kadib markii labada dhinac ay ku dagaallameen meel 6km u jirta sohdinta. Isu duwaha amniga Gobolka Somaalida ee Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka soo gudbeen sohdinta salddhigna ka sameysteen degaanka Dawaduba oo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":8062,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23472"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23472"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23472\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/8062"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23472"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23472"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23472"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}