{"id":23182,"date":"2019-05-30T06:50:52","date_gmt":"2019-05-30T05:50:52","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=23182"},"modified":"2019-05-30T06:57:05","modified_gmt":"2019-05-30T05:57:05","slug":"dacwad-ka-dhan-ah-shan-ruux-oo-soomaali-oo-loo-gudbiyay-maxkamada-sarre-ee-seychelles","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dacwad-ka-dhan-ah-shan-ruux-oo-soomaali-oo-loo-gudbiyay-maxkamada-sarre-ee-seychelles\/","title":{"rendered":"Dacwad ka dhan ah shan ruux oo Soomaali ah oo loo gudbiyay Maxkamada Sarre ee Seychelles"},"content":{"rendered":"<p>Maxkamada Sarre ee Seychelles ayaa si rasmi ah loogu gudbiyey dacwad ka dhan ah shan ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo ku eedeysan falal burcad\u00adbadeednimo, sidda uu sheegay Booliska.<\/p>\n<p>Raggaan oo aanan magacooda lala wadaagin war\u00adfidiyeenka ayaa waxaa bishii April ee sanadkan u gacan\u00adgeliyey dowladda wadankaasi ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka shufta badeeda Soomaalida.<\/p>\n<p>Fadhiga koowaad ee maxkamaddeynta oo qabsoomay, Isniin, April 29\u00adkeeda, ayaa waxaa lagu dhageystay gar\u00admaqalka dacwadda xili la faray in eedeysanayaasha xabsiga lagu sii hayo illaa iyo 7\u00adda bisha June ee sanadkan.<\/p>\n<p>Bileyska ayaa laga soo xigtay in dhageysiga labaad ee maxkamadeynta ay qabsoomeyso taariikhdaasi, wallow aysan kala caddeyn hadii xukun lagu ridi doono kulankaasi ama in caddeymaha lasoo bandhigayo.<\/p>\n<p>Mid kamida shaqsiyaadka la tuhunsan yahay oo lasoo qabtay laguna soo wareejiyay mas\u2019uuliyiinta Seychelle bishii November 2017\u00adkii ayaa dib loogu soo celiyey Soomaaliya, December 2018\u00adkii.<\/p>\n<p>Talaabada ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad\u00adbadeeda Soomaalida ay dhalinyaradaan ugu wareejiyeen Seychelles ayaa qayb ka ah heshiis is\u00adweedaarsiga dambiileyaasha.<\/p>\n<p>Seychelles, jaziirad juquraafi ahaan ku dhow xeebta Soomaaliya oo door fir\u00adfircoon ka qaadatay la dagaalanka burcad\u00adbadeeda ayaa saaxiibada caalamka ka taageerta soo qabqabshada shutfa badeeda.<\/p>\n<p>Sanadkii hore 2015\u00adkii, waddankan ayaa waxaa uu sameystay maxkamad casri ah, taasi oo dhageysata isla markaana xukuno ku ridda kiisaska la xiriira dambiyada burcad\u00adbadeednimada.<\/p>\n<p>Maraakiibta ku sugan biyaha Soomaaliya ee sheegta in ay la dagaalamaan burcad\u00adbadeeda ayaa qudhooda wajahaya eedeymo ku aadan xaalufinta kaluunka iyo in ay beegsadaan kalluumeysatada Soomaaliyeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxkamada Sarre ee Seychelles ayaa si rasmi ah loogu gudbiyey dacwad ka dhan ah shan ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo ku eedeysan falal burcad\u00adbadeednimo, sidda uu sheegay Booliska. Raggaan oo aanan magacooda lala wadaagin war\u00adfidiyeenka ayaa waxaa bishii April ee sanadkan u gacan\u00adgeliyey dowladda wadankaasi ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka shufta badeeda Soomaalida&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":23183,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23182"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23182"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23182\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/23183"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23182"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23182"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23182"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}