{"id":21074,"date":"2019-04-22T06:24:08","date_gmt":"2019-04-22T05:24:08","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=21074"},"modified":"2019-04-22T06:24:08","modified_gmt":"2019-04-22T05:24:08","slug":"xildhibaan-duniyo-waare-iyo-guudlaawe-siyaasad-ayey-ku-mashquuleen-amaanna-kama-jiro-hirshabelle","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/xildhibaan-duniyo-waare-iyo-guudlaawe-siyaasad-ayey-ku-mashquuleen-amaanna-kama-jiro-hirshabelle\/","title":{"rendered":"Xildhibaan Duniyo &#8220;Waare iyo Guudlaawe siyaasad ayey ku mashquuleen amaanna kama jiro Hirshabelle\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaan Duniyo Daahir Dhicisow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka HIr-Shabeelle ayaa Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeenkiisa Cali Xuseen Guudlaawe ku eedeysay in ay ka meermeerayaan wax ka qabashada amni darada.<\/p>\n<p>Waxa ay intaa ku dartay in ay isku mashquuliyaan isku shaandheynta iyo xil ka qaadista Mas&#8217;uuliyiinta Degmooyinka, balse xaaladda amni ee deegaanada Hir-Shabeelle ay sii xumaanayaan.<\/p>\n<p>Xildhibaan Duniyo ayaa soo hadal qaaday in uu fuli la&#8217; yahay mashruuc Dowladda Qadar ay ku dhiseyso Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo la gubayo gawaada qaadeysay qalabka dhismaha.<\/p>\n<p>Waxa ay sheegtay in Xildhibaanada Hir-Shabeelle ay mas&#8217;uuliyadda qayb ka qaadanayaan, maadaama ay ka gaabiyeen kala xisaabtanka Amniga sida ay hadalka u dhigtay.<\/p>\n<p>Shacabka kunool Hir-Shabeelle ayay sheegtay in ay u baahan yihiin Amni iyo nolol wanaagsan, balse aan u baahneen isbadalo joogto ah oo mas&#8217;uuliyiinta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelle Dhexe iyo degmooyinka lagu sameeyo.<\/p>\n<p>Xildhibaanada ayay ugu baaqday in ay u istaagaan wax ka qabashada caqabadaan oo ay ku tilmaamtay mid cuuryaamineyso horumarka Deegaanada Hir-Shabeelle.<\/p>\n<p>Madaxda Dowladda Federaalka waxa ay ka dalbatay in si gaar ah indhaha ugu hayaan Xaaladda Amni ee Deegaanada Hir-Shabeelle, iyada oo soo jeedisay in hadii Mashruuca qadar uusan socon karin loo wareejiyo Maamulada kale ee awooda in ay ka faa\u2019ideystaan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaan Duniyo Daahir Dhicisow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka HIr-Shabeelle ayaa Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeenkiisa Cali Xuseen Guudlaawe ku eedeysay in ay ka meermeerayaan wax ka qabashada amni darada. Waxa ay intaa ku dartay in ay isku mashquuliyaan isku shaandheynta iyo xil ka qaadista Mas&#8217;uuliyiinta Degmooyinka, balse xaaladda amni ee&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":1308,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,81,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21074"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21074"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21074\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1308"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21074"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21074"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21074"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}