{"id":19695,"date":"2019-03-30T04:17:41","date_gmt":"2019-03-30T04:17:41","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=19695"},"modified":"2019-03-30T04:17:41","modified_gmt":"2019-03-30T04:17:41","slug":"guddiga-dastuurka-baarlamaanka-oo-maanta-hortagayo-golaha-shacabka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/guddiga-dastuurka-baarlamaanka-oo-maanta-hortagayo-golaha-shacabka\/","title":{"rendered":"Guddiga Dastuurka Baarlamaanka oo maanta hortagayo Golaha Shacabka."},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaruntooda ku leh fadhiga 1-aad ee Kalfadhigooda 5-aad.<\/p>\n<p>Golaha Shacabka waxaa maanta hortagaya Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo horgeynaya Xogta dib u eegista dastuurka.<\/p>\n<p>Waxa ay warbixin guud siinayaan Golaha Shacabka, taas oo ku saabsan mudadii ay fasaxa ku maqnaayeen shaqadii ay ka qaybto Cutubyadii ugu danbeeyay ee Dastuurka KMG ah ee dalka.<\/p>\n<p>20-kii bishaan Guddiga Arrimaha Dastuurka oo ay wehliyaan Guddoonka Golaha Shacabka ayaa la kulmay Xubno ka socday Qaramada Midoobe oo ay kala hadleen dib u eegista Dastuurka iyo in la qabyo tiro.<\/p>\n<p>Waxaana ka horeeyay in Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federalka ay Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta dastuurka u gudbiyeen Cutubyada kala ah 10-aad, 11-aad, 13-aad, 14-aad iyo 15-aad si ay usoo hagaajiyaan, dibna ugu celiyaan Guddiga u dhiibay ee Baarlamaanka.<\/p>\n<p>Fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka oo Madaxweyne Farmaajo furay 27-kii bishaan waxaa uu Gudoomiyahooda Maxamed Mursal sheegay in ay xoogga saarayaan doorashada la filayo in ay Soomaaliya ka dhacdo 2020 ama 2021-ka, si loo gaaranaya ay diyaar u yihiin qabyo tirka dastuurka oo aas-aas u ah.<\/p>\n<p>Waxaa xigay kulan ay yeesheen Saddexda hay\u2019adood ee u xilsaaran Dib-u-Eegista dastuurka oo dhacay 28-kii bishaan oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, waxa ay isku raaceen in la bilaabo latashiyada 10-ka cutub ee dib-u-eegista lagu sameeyay.<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa iyana 26-kii bishaan Maarso waxa ay soo bandhigtay nuqul kamid ah Dastuurka KMG ah ee Dalka oo lagu qoray Afka Carabiga.ba<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaruntooda ku leh fadhiga 1-aad ee Kalfadhigooda 5-aad. Golaha Shacabka waxaa maanta hortagaya Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo horgeynaya Xogta dib u eegista dastuurka. Waxa ay warbixin guud siinayaan Golaha Shacabka, taas oo ku saabsan mudadii ay fasaxa ku maqnaayeen shaqadii ay ka qaybto&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":7103,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19695"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=19695"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19695\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/7103"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=19695"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=19695"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=19695"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}