{"id":19690,"date":"2019-03-30T03:35:40","date_gmt":"2019-03-30T03:35:40","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=19690"},"modified":"2019-03-30T03:36:37","modified_gmt":"2019-03-30T03:36:37","slug":"madaxweyne-deni-oo-sheegay-in-uu-dib-u-howlgalinayo-kulliyada-ciidamada-ee-carmo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/madaxweyne-deni-oo-sheegay-in-uu-dib-u-howlgalinayo-kulliyada-ciidamada-ee-carmo\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Deni oo sheegay in uu dib u howlgalinayo Kulliyada Ciidamada ee Carmo."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay ku hoyday Degmada Carmo ayaa sheegay in maamulkiisa uu dib usoo nooleynayo Ciidamadii lagu tababari jiray Kulliyad ku taalla Magaaladaasi.<\/p>\n<p>Waxa uu tilmaamay in Gobolka Bari xaaladiisa amni uu isbadal ku yimid, sidaas awgeed aan la hureen in dib loo abaabulo ciidamo booliis ah oo la tacaalo ammaanka Gobolka.<\/p>\n<p>Ahmiyadda ugu weyn ayuu sheegay in uu siinayo sugidda amaanka, tallaabada loo mari ka miro dhalintana ay tahay in la diyaariyo Ciidamo leh aqoon ay ku howlgalaan.<\/p>\n<p>Waxa uu ballanqaaday in uusan ka gaabin doonin tallaabo waliba oo lagu gaari karo xasiloonida Gobolka Bari oo dib usoo laabato.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in waxyaabaha amni darrada ah ee ka dhacaya Gobolka Bari ay dhaawacayaan, waxyaabihii loogu bartay markii hore.<\/p>\n<p>Maamulada Degmooyinka Gobolka, qaybaha Bulshada iyo cidwaliba oo ka qaybqaadan karta sidii looga guuleysan lahaa Daacish iyo Al-Shabaab waxa uu ka dalbaday in ay kaga qaybgasho.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku guda jira safar dhulka ah oo uu ku marayo Degmooyin iyo Deegaano dhaca Gobolka Bari.<\/p>\n<p>Ujeedka socdaalkiisa waxa uu ku sheegay in uu la kulmayo mas&#8217;uuliyiin kala duwan ee Puntland iyo qaybaha Bulshada si uu qiimeyn u sameeyo.<\/p>\n<p>Waxa uu ku wajahan yahay Magaalada Boosaaso oo Carmo ugu jiheysan dhanka koofureed, una jirta 100 KM.<\/p>\n<p>Siciid Cabdullaahi Deni ayaa noqday Madaxweynaha Puntland kadib markii uu ku guuleystay doorashadii dhacday 8-dii Bishii Janaayo 2019, isaga oo helay 35 cod.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay ku hoyday Degmada Carmo ayaa sheegay in maamulkiisa uu dib usoo nooleynayo Ciidamadii lagu tababari jiray Kulliyad ku taalla Magaaladaasi. Waxa uu tilmaamay in Gobolka Bari xaaladiisa amni uu isbadal ku yimid, sidaas awgeed aan la hureen in dib loo abaabulo ciidamo booliis ah oo la tacaalo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":19691,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,77,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19690"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=19690"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19690\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/19691"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=19690"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=19690"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=19690"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}