{"id":19368,"date":"2019-03-24T16:29:13","date_gmt":"2019-03-24T16:29:13","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=19368"},"modified":"2019-03-24T16:33:06","modified_gmt":"2019-03-24T16:33:06","slug":"wax-ka-ogw-wasaarada-tamarta-iyo-khayraadka-biyaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wax-ka-ogw-wasaarada-tamarta-iyo-khayraadka-biyaha\/","title":{"rendered":"Wax ka ogw Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha"},"content":{"rendered":"<p>Wasaarada Tamarta iyo Qeyraadka Biyaha sida la ogyahay sooma saarto Tamar (Koronto) ma qeybiso (lack for electrical grid and electrical transmission) mana gado (fix the price). Si kale hadaan u dhigno wasaaraddu ma bixiso adeegyadii loo igmaday.<\/p>\n<p>Adeegyada aan kor kuxusnay waxaa dhamaantood bixiya shirkado gooni loo leeyahay (private companies). Shirkadahan goonida loo leeyahay waxay adeegyadan bixinayeen 25kii sano ee ugudanbeysay. Cidkale oo hadda kala wareegi karta oo bixinkara adeegyada ay bixinayaan ma muuqato.<\/p>\n<p><strong>Waa maxay shaqada wasaaraddu?<\/strong><\/p>\n<p>Waajibaadka saaran Wasaaradda waxaa kamid ah:<\/p>\n<ul>\n<li>soo saaridda Biyo nadiif ah &#8211; raqiis ah meelkasta oo wadanka kamid sidookale markastana la helikaro.<\/li>\n<li>Maamulida Koronta Dhalinta, gaarsiinta iyo Qeybinta korontada dhamaan magaalooyinka wadanka.<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>Hadaba maxey qabataa wasaaradu?<\/strong><\/p>\n<p>Waxaa jira kooxo abaabulan, fadhigoodu yahay Nairobi, oo isugu-jira Eeshiyaan, Keenyaan iyo Yurubiyan oo u shaqeeya World Bank, African development Bank, UNDP, UNICEF iyo Heyadaha aan dowliga aheyn, NGO. Kooxahan waxey aqoon fiican u leejihiin sida masharuucyada loo qoro iyo heyadaha waxlooga helo ileen ayaagaba ka&#8217; shaqeeyee. Dhaqaalihii ka&#8217;soobaxa mashruucyadan waa la kalatuurtaa. Sidaas daraadeed Wasaaraddu dadka iyo dalka uma shaqeysee waxey la shaqeysataa heya&#8217;daha kor ku xusan iyo NGO-yada.<\/p>\n<p><strong>Hindise Sharciyeedka Tamarta<\/strong><\/p>\n<p>Si wax loo maamulo waa in sharci jiraa.<\/p>\n<p>Sharcigii korontda waa diyaar balse dano dhaqaale oo shaqsiyadeed ayuu u xayiranyahay in la horgeeyo Baarlamaanka kadibna ay ansixiyaan. Ugu-yaraan hadii ay sameyso sharciga, wassaraddu waxey noqonlahey mid wax qabatay. Korontadii iyo biyihii ma soo saaro, ma qaybiyo, ma canshuuro, sharci aan ku maamulo maheysto waxey ceeb ku tahay dowladnimada. Waxey wiiqeysaa horumarka dalka iyo dadaka.<\/p>\n<p><strong>Madaxda Wasaarada<\/strong><\/p>\n<p>Wasiirka, Wasiir ku xigeen iyo agaasimaha guud, Mudane Raisul-Wasaare madaxda Wasaraddu ma waafaqsani halbeegga awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed ee 4.5, oo loo arkay xal balse aan xaq ahayn, Waxay yiraahdaan ayagoon la gambaneyn -Wasaaradaan anagaa leh, waxaan rabno ayaan ka sameyneynaa. Kheyre wuxuu u baahanyahay codkeena sidaas awgeed kama hadlikaro.<\/p>\n<p><strong>Xagee qaladku ka&#8217;jiraa?<\/strong><\/p>\n<p>Kadib markii Wasiirkii wasaaradu iska casilay xilkii (Lafta gareen) waxaa kusoo haray meesha wasiir ku-xigeenka iyo agaasimaha guud. Sida ay u dhaqmaayaan markii aad daristo aqoon toodu ma gaarsiisna dugsi sare. Hogaan aan fahmeynin waxa electron iyo proton yihiin sidoo kale aan aqoonin H2O waxa ay u taagantahay. Hadaba aan iswediinee qof aan isaguba horumarsaneyn muxuu horumarinkaraa? Labadan shaqsi ma aha dad kasoo bixikara waajibaadka Wasaaradda saaran.<\/p>\n<p><strong>Waaxyihii Wasaaradda<\/strong><\/p>\n<p>Iyagoo ku&#8217;dhiiran ogna inaan lala xisaabtameyn waxey meesha kasaareen agaasimo waaxyadii kuna badasheen kuwo ay ayagu wataan. Hadii uu ka&#8217; dhiidhinlahaa agaasimihii waaxda, yuu u&#8217; dacwoodaa yuuse ka dacwoodaa? Waxey ku soctaa in gacmaha la&#8217;isula tago hadaan wax laga qaban.<\/p>\n<p><strong>Shaqaalaha<\/strong><\/p>\n<p>Qiyaastii 90% shaqaalaha wasaaraddu waa dad aqoontoodu ay ka hooseyso heer Dugsi-sare. Sidookale waa dad lagu keenay anagaa meesha heysana. Ma&#8217; aha dad loogu talagalay iney wax soo saaraan, taa dadelkeeda waxey meesha u joogaan iney mushaar iska qaataan. Qofku markii uu shaqeeyo ayaa mushaar la&#8217;siiyaa, dadkani ma shaqeeyaan waxna sooma saaraan marka lama dhihi karo mushaar ayey qaataan ee waxaa la dhihi karaa ceyrr ayaa meesha lagu siiyaa (welfare).<\/p>\n<p><strong>Tababarada<\/strong><\/p>\n<p>Wasaaradu waxey tababaro gaagaaban ka heshaa wadamo dhowr ah sida Masar, Turkiga, Jabaaan Hindiya iyo kuwakale. Wadamadaas waxaa ugu gacan furan oo tababaro badan noogu deeqa dowlada Masar. Tirada tababarada dowlada Masar ay nasiiso waxey gaareysaa 30 ilaa 40 qofood sanadkii. Tababaradaas waxey u badan yihiin Tamarta (Koronto) noocyadeeda kala duwan, Conventional Energy (korontada lagasoo saaro Dhuxusha, Saliida iyo gaaska dabiicigaa) iyo Renewable Energy (Tamarta is cusbooneysiisa).<\/p>\n<p><strong>Ujeedada Tababarada<\/strong><\/p>\n<p>Ujeedada ugu muhiimsan ee tababarada ayaa ah in la kobciyo, korloo qaado , aqoonta qofka si markaas aqoontii uu kororsaday ugula laabto goobtii shaqadiisa markaana u horumariyo.<\/p>\n<p><strong>Shuruudaha tababarada.<\/strong><\/p>\n<p>Tababar waliba wuxuu leeyahay shuruudo u gaar ah, hadaba kuwa Tamarta (korontada) shuruudahooda waxaa kamamida in qofku yahay injineer sidookale ka shaqeeyo goobta Tababarku quseeyo. Hadaba aan tusaale idinka siiyo noocayada tababarka dadka loo diray iyo cida ku haboon in loo diro ama ay ka faaiideysato.<\/p>\n<ul>\n<li>Operation Maintenance and Testing of Distribution Transformers.<\/li>\n<li>Design and Planning of Medium Low Voltage Network<\/li>\n<li>Operation &amp; Maintenance of Diesel Power Plants<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>T<\/strong>ababarada noocan oo kale ah markii la helo waxaa haboon in la is weydiiyo yaa ka faaiideysankara, bal horta yaa heysta shabakada qeybinta (Distribution system), yaa heysta taransfoormaro (Transformers), yaa heysta matooro laga dhaliyo Koronto oo\u00a0 ku shaqeeya nafto (Diesel Power Plants).<\/p>\n<p>Marka la is weydiiyo su&#8217;aalahaas waxaa soo baxaysa in shirkadaha goonida loo leeyahay ay heystaan shabakada qeybinta (Distribution system) sidookale bixiyaan Medium Voltage iyo Low Voltage. Waxaa sidookale soo baxaysa in iyagu ku haboonyihiin markaas la siiyo si ay uga faaiidaystaan. Hogaanka sare ee Wasaaraddu (ogow dhamaan tood waa hal qoys) markii ay hoos u wada hadleen waxay is tusiyeen in shirkadaha ay yihiin kuwo ay lee yihiin beelo aan iyaga kuwooda ahayn sidaas awgeed aan la siinin. Waaxda Tamarta oo soo jeedisay in wax laga siiyo tababarada shirkadaha soo saara Korontada waxaa loo sheegay inaysan laheyn iyagu maamulida. Maamulkii waxaa la wareegay Wasiiradii iyo Agaasimihii guud, ayagaa qoraaya magacyada shaqsiyaadka Tabarka loo diraayo.<\/p>\n<p><strong>H<\/strong>adaba yaa loo diraa Tababarada? Tababaradan waxaa loo diraa dad ama shaqsiyaad aan injineero ahayn, aan koronto waxba ka aqoon, waxa Medium iyo Low Voltage yahay aan aqoonin, waxa Transformer yahay aan aqoon. Sow qasaaro maaha?<\/p>\n<p>Waxaa la&#8217;soo ogaaday in Wasiir ku-xigeenku saaxiibadiis iyo dadka Hotelka la dagan ku yiraahdo Tababar laba todobaad ah makuu diraa, Qaahira, aad iskasoo nasatide. Tababarada ay dowlada Jabaan bixiso iyagu waa beec oo waaba la gataa. Masuuliyad darradu waxey keentay in deeqihii waxbarasho lagu cayaaro lana musuqmaasuqo. Waxey ogyihiin iney qalad sameynayaan hadana wey ku dhiiranyihiin. Kalsooni waxey qabaan ah in aan lala xisaabtameyn. Qofku markii aqoontiisu gaabantahay ma xishoodo mana cabsado. Wuxuu u arkaa waxa uu sameynaayo raganimo. Lama&#8217;aha inuu umadda dambi ka galaayo.<\/p>\n<p><strong>Gabagabadii<\/strong><\/p>\n<p>Tusmooyinka Bangiga Horumarinta Aduunka waxaa lagu muujiyay in tamartu (korontadu) si xoogan ula xiriirto heer kasta ee horumarineed sida Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada iyo Kaabayaasha dhaqaalaha. Sidaas awgeed mudane Ra&#8217;iisulwasaare waxaan kuusoo jedineynaa inaad kafiirsato wasiirada aad usoo magacaabeyso Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Boyaha.<\/p>\n<p><strong>Sharaf Xuseen iidow\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>sharaf.siidow@gmail.com\u00a0<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasaarada Tamarta iyo Qeyraadka Biyaha sida la ogyahay sooma saarto Tamar (Koronto) ma qeybiso (lack for electrical grid and electrical transmission) mana gado (fix the price). Si kale hadaan u dhigno wasaaraddu ma bixiso adeegyadii loo igmaday. Adeegyada aan kor kuxusnay waxaa dhamaantood bixiya shirkado gooni loo leeyahay (private companies). Shirkadahan goonida loo leeyahay waxay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19166,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,72],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19368"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=19368"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19368\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/19166"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=19368"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=19368"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=19368"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}