{"id":19235,"date":"2019-03-23T04:36:58","date_gmt":"2019-03-23T04:36:58","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=19235"},"modified":"2019-03-23T04:36:58","modified_gmt":"2019-03-23T04:36:58","slug":"wasiirka-amniga-galmudug-oo-sheegay-in-ay-u-diyaar-garoobeen-dagaal-ka-dhan-ah-al-shabab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wasiirka-amniga-galmudug-oo-sheegay-in-ay-u-diyaar-garoobeen-dagaal-ka-dhan-ah-al-shabab\/","title":{"rendered":"Wasiirka Amniga Galmudug oo sheegay in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah Al-shabab"},"content":{"rendered":"<p>Saadaq Shiikh Yuusuf Wasiirka Amniga Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xaaladda Amni deegaanada Maamulkaas, gaar ahaan meelaha ay maamulaan Galmudug oo amnigooda suganyahay.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in dhaqdhaqaaqyo \u00a0ciidan oo Al-Shabaab ay ka wadaan Koofurta Magaalada Dhuusamareeb, ay ka war qabaan, kana hortageen isku dayo dhowr ah oo ay sameeyeen.<\/p>\n<p>Ciidamada ammaanka Galmudug ayuu sheegay in ay isku diyaariyeen sidii ay ugu duulaan tagi lahaayeen deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Wasiirka Amniga Galmudug ayaa intaa ku daray in qalabka iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidamada ay u qorsheeyeen in duulaan ay ku qaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab loo dhameystiray, kaliyana ay sugayaan amarkii ay ku dhaqaaqi lahaayeen.<\/p>\n<p>Saadaq Shiikh Yuusuf Wasiirka Amniga Galmudug waxa uu soo hadal qaaday dagaal beeleedyada ka dhacay Deegaanada Galmudug, gaar ahaan Xeraale, waxa uu sheegay in beelaha dagaalamaya muddo dheer ay jirtay dhiiladooda.<\/p>\n<p>Marar badan ayuu tilmaamay in ay gaartay dacwadda labadal dhinac, balse isku dayo kala duwan oo ay sameeyeen in aysan u suurta gelin dhammeynta Colaadda.<\/p>\n<p>Waxa uu meesha ka saaray in Maamulka Galmudug uu qayb ka yahay dagaalka, isaga oo intaa raaciyay in Maamulkooda ay ka xun yihiin dagaalka, isla markaana ay doonayaan in ay waan waan ka dhex sameeyaan dhinacyada dagaalaamaya sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>Deegaanka Xeraale waxaa dhowaan ku dagaalamay labo Maleeshiyo Beeleed oo isku geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku baxay dhinacyo kala duwan si colaadda wada hadal loogu badalo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Saadaq Shiikh Yuusuf Wasiirka Amniga Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xaaladda Amni deegaanada Maamulkaas, gaar ahaan meelaha ay maamulaan Galmudug oo amnigooda suganyahay. Waxa uu sheegay in dhaqdhaqaaqyo \u00a0ciidan oo Al-Shabaab ay ka wadaan Koofurta Magaalada Dhuusamareeb, ay ka war qabaan, kana hortageen isku dayo dhowr ah oo ay sameeyeen. Ciidamada ammaanka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":19236,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[80,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19235"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=19235"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19235\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/19236"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=19235"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=19235"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=19235"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}