{"id":18905,"date":"2019-03-17T18:52:31","date_gmt":"2019-03-17T18:52:31","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=18905"},"modified":"2019-03-17T18:53:05","modified_gmt":"2019-03-17T18:53:05","slug":"wasaaradda-gaashaandhigga-iyo-taliska-ciidanka-xoogga-oo-kawada-hadlay-mushaaraadka-ciidamada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wasaaradda-gaashaandhigga-iyo-taliska-ciidanka-xoogga-oo-kawada-hadlay-mushaaraadka-ciidamada\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga oo kawada hadlay Mushaaraadka Ciidamada."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradaha Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kawada hadlay sida ay ugu howlan yihiin diiwaan-gelinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo loo tayeeyo howlaha ciidanka loona hubiyo xuquuqooda.<\/p>\n<p>Waxa ay isla garteen sida lagu sheegay war kasoo baxay in Askari walba la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa iyo in mushaarkiisa si toos ah loogu shubo koontadiisa bangiga.<\/p>\n<p>Warka ayaa intaa la raaciyay in loo billaabay $30 (Doolar) oo kamid ah qoondada raashinka askarta oo si toos ah loogu shubo koontada uu askarigu bangigiisa ku leeyahay marka la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa ay sheegeen Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamada Xoogga in la wado xaqiijinta rasmiga ee ku aadan askarta aan weli helin xaquuqdooda billaha ah.<\/p>\n<p>Waxaana Ciidamada la diiwaan-geliyay lagu amray in ay ku sugnaadaan goobtooda shaqada, si loo xaqiijiyo.<\/p>\n<p>Ciidamada ka fog goobaha diiwaangelinta ayaa la sheegay in looga yeeri doono Goobo u dhow halka ay ku sugan yihiin si loo diiwaangeliyo, sida kuwa dhanaane oo lagu diiwaan-gelin doono Jazeera, kadibna ay dib ugu laaban doonaan goobtooda shaqo sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p>Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka ku wargeliyay inta ay diiwaan-gelinta socoto askari walba uu ku uu heli doono xuquuqdiisa oo buuxda marka ay soo dhammaata diiwaan-gelinta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradaha Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kawada hadlay sida ay ugu howlan yihiin diiwaan-gelinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo loo tayeeyo howlaha ciidanka loona hubiyo xuquuqooda. Waxa ay isla garteen sida lagu sheegay war kasoo baxay in Askari walba la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa iyo in mushaarkiisa si toos ah&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":18906,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18905"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18905"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18905\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/18906"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18905"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18905"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18905"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}