{"id":18610,"date":"2019-03-12T16:09:29","date_gmt":"2019-03-12T16:09:29","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=18610"},"modified":"2019-03-12T16:10:24","modified_gmt":"2019-03-12T16:10:24","slug":"kalfadhiga-5-aad-ee-golaha-aqalka-sare-oo-lagu-dhawaaqay-waqtiga-uu-furmayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/kalfadhiga-5-aad-ee-golaha-aqalka-sare-oo-lagu-dhawaaqay-waqtiga-uu-furmayo\/","title":{"rendered":"Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka sare oo lagu dhawaaqay waqtiga uu furmayo."},"content":{"rendered":"<p>Kulan ay maanta yeesheen Guddiyada Joogtada Golaha Aqalka sare waxa ay kaga doodeen Waqtiga uu furmayo Kalfadhigooda 5-aad iyo Ajendayaasha la horgeynayo.<\/p>\n<p>Dood dheer kadib waxa ay isku raaceen in fadhiga uu furmo 16-ka Bishaan Maarso 2019ka, si Golaha uu meelmariyo Ajendayaasha Horyaalla.<\/p>\n<p>Senator Cabdikaafi Macalin Xasan Habdhowraha Golaha Aqalka sare oo shirkooda kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay meelmariyeen qorshe howleedka Ajendayaasha sida loo kala hormarinayo.<\/p>\n<p>Waxaa la wargeliyay Senatada ku maqan fasaxa in ay soo xaadiraan waqtiga furmashada Kalfadhigooda oo ku beegan Sabtida Todobaadka soo socda.<\/p>\n<p>Golaha Aqalka sare ayaa fasax galay 10-kii Janaayo 2019 kadib markii loo xiray Kalfadhigii 4-aad ee Golaha.<\/p>\n<p>Aqalka sare waxa uu matalaa Maamulka Goboleedyada, waxaana loo gudbiyaa Hindise sharciyeedyada Golaha Shacabka ay meel mariyaan kahor inta aan u gudbin Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ugu dambeyn kusoo saaro Digreeto ama Xeer Madaxweyne.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kulan ay maanta yeesheen Guddiyada Joogtada Golaha Aqalka sare waxa ay kaga doodeen Waqtiga uu furmayo Kalfadhigooda 5-aad iyo Ajendayaasha la horgeynayo. Dood dheer kadib waxa ay isku raaceen in fadhiga uu furmo 16-ka Bishaan Maarso 2019ka, si Golaha uu meelmariyo Ajendayaasha Horyaalla. Senator Cabdikaafi Macalin Xasan Habdhowraha Golaha Aqalka sare oo shirkooda kadib la&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":18611,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18610"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18610"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18610\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/18611"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18610"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18610"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18610"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}