{"id":17539,"date":"2019-02-23T04:10:49","date_gmt":"2019-02-23T04:10:49","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=17539"},"modified":"2019-02-23T05:58:04","modified_gmt":"2019-02-23T05:58:04","slug":"xabsiga-ugu-casrisan-qaaradda-afrika-oo-maanta-muqdisho-xarigga-looga-jarayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/xabsiga-ugu-casrisan-qaaradda-afrika-oo-maanta-muqdisho-xarigga-looga-jarayo\/","title":{"rendered":"Xabsiga ugu casrisan Qaaradda Afrika oo Maanta Muqdisho Xarigga looga jarayo."},"content":{"rendered":"<p>Xabsigaan casriga ah ayaa dhismo lagu bilaabay sanadkii 2017-kii, waxaana dhagax dhigay Ra&#8217;iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma&#8217;arke.<\/p>\n<p>Dhismaha ahaan waa ka casrisan yahay Xabsiga Dhexe ee Dalka oo Qol waliba lagu xiro in ka badan 40 qof, halka Xabsigaan loogu talagalay in qolkiiba ay jiiftaan 6-ruux.<\/p>\n<p>Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac oo ka xog waramayay Xabsiga Dhexe ayaa sheegay in uu duqoobay, maadaama la dhisay waqtigii Cismaaniyiinta, gaar ahaan 1903-dii.<\/p>\n<p>Dowladda Turkiga ayaa dhistay Xabsiga Dhexe ee Xamar, waana halka Muddo dheer lagu hayo Maxaabiista la doonayo in loo wareejiyo Xabsiga cusub.<\/p>\n<p>Xabsiga Casriga ah ee maanta xarig jarka lagu sameynayo waxaa Dowladda Federaalka ka gacansiisay Qaramada Midoobe, muddo labo sano ah ayaa dhismo ku socday.<\/p>\n<p>Deegaan ahaan waxa uu ku yaallaa KM7, waxaana aad loo adkeeyay sugidda ammaanka Xabsiga oo qorshuhu yahay in loo wareejiyo Maxaabiista Xabsiga Dhexe.<\/p>\n<p>Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac ayaa isbarbar dhig ku sameeyay waxa ay ku kala duwan yihiin Xabsiga dhexe ee Xamar iyo kan Casriga ah ee Xariga laga jarayo Maanta.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in la nidaamiyay Maxaabiista qolalka lagu kala xirayo, lagana fakiray waxbarashadooda, Daryeelkooda Caafimaad, loona diyaariyay Qolal xeer kulkoodu wanaagsan yahay, si aan qofka u dareemin jujuubid badan sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>Maxaabiista Xabsiga Dhexe ayaa sanadihii dambe soo bandhigayay waxqabad ay ku sameeyeen isla xabsiga sida, Farsamada Gacanta, waxaana dhowaan shahaadooyin la guddoonsiiyay Maxaabiis waxbaratay iyaga oo xiran.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xabsigaan casriga ah ayaa dhismo lagu bilaabay sanadkii 2017-kii, waxaana dhagax dhigay Ra&#8217;iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma&#8217;arke. Dhismaha ahaan waa ka casrisan yahay Xabsiga Dhexe ee Dalka oo Qol waliba lagu xiro in ka badan 40 qof, halka Xabsigaan loogu talagalay in qolkiiba ay jiiftaan 6-ruux. Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":17540,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17539"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17539"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17539\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/17540"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17539"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17539"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17539"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}