{"id":17497,"date":"2019-02-22T06:12:48","date_gmt":"2019-02-22T06:12:48","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=17497"},"modified":"2019-02-22T06:12:48","modified_gmt":"2019-02-22T06:12:48","slug":"wasiirka-gaadiidka-iyo-duulista-hawada-dalka-soomaaliya-oo-la-kulmay-madaxda-gobolka-minnesota","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wasiirka-gaadiidka-iyo-duulista-hawada-dalka-soomaaliya-oo-la-kulmay-madaxda-gobolka-minnesota\/","title":{"rendered":"Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Dalka Soomaaliya oo la kulmay madaxda Gobolka Minnesota"},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Dalka Soomaaliya, Maxamed C\/llaahi Salaad Oomaar iyo\u00a0 wafdi uu hoggaaminayo ayaa\u00a0 booqday Magaalada, Saint Paul ee Gobolka Minnesota Dalka maraykanka.<\/p>\n<p>Madaxda uu la kulmay Wasiirka waxaa ka mid ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka,\u00a0 keith Ellison, Xildhibaan Mohamuud Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaalida ah ee laga so doorto Gobolka Minnesota, Guddoomiyaha Guddiga Gaadidka Hawada Golaha wakiilada ee Gobolkaas , Mr Frank Hornstein.<\/p>\n<p>Kullanka Wasiirka iyo\u00a0 Madaxda Gobolka Minnesota oo Saacado qaatay waxay kaga wada hadleen iskaashiga Labada Dal, horumarka Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota iyo Gudaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiir, Oomaar, ayaa Xeer ilaaliya u sheegay in Dalka Soomaaliya uu soo hagaagayo, Dowladda Soomaaliyana ay ku dhaqaaday horumar la taaban karo, sidaa darteedna uu marti qaad u fidiyey Xeer Ilaali\u00a0 guud ,\u00a0 Kieth Ellison, oo kal hore yimid Dalkeenna.<\/p>\n<p>M; Keith Allison, Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Minnesota , ayaa sheegay in uu booqon doono Dalka Soomaaliya mar kale, wuxuuna wasiirka iyo marti sharafta kaleba uga mahad celiyay sidii diirranayd ee munaasabaddaasi loogu casuumay iyo sida loo maamuusay.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka Hawada gollaha Shacabka ee Gobolka Minnesota,\u00a0 Xildhibaan Frank Hornstein ayaa\u00a0 dhankiisa soo dhaweeyey dedaallada ay waddio wasaaradda duulista hawada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in kulankii dhex maray isaga iyo wasiir Oomaar ay iskula soo qaadeen sidii laysaga kaashan lahaa horumarinta Labada dhinac.<\/p>\n<p>\u201dMagacaygu waa Franka Hornstein waxaan ahay Gudoomiyaha Guddiga Gaadiidka hawada ee Golaha Wakiilada Gobolka Minnesota, waana ku faraxsannahay in aan soo dhaweeyo wasiirka Wasaaradda gaadiidka Hawada Soomaaliya, waxaana is dhaafsannay wax yaalo badan oo muhiim in aan wada qaban doonno\u00a0 si wada jir ah,\u00a0 tan kale waxaa i xiisa galinaysa in aan\u00a0 maqlo\u00a0 in\u00a0 la ballaarinayo qalabka hawadda Muqdisho, si ay ugu fududaato in Dad badan ay Soomaaliya soo booqdaan\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale Wasiirka ayaa la kulmay Gollaha Degaanka Magaalada Magaalada, Saint Paul,\u00a0 waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey\u00a0 Guddoomiyaha Degmada Lixaad ee Magaalada ,Saint Paul,\u00a0 Qaasim Busuri , oo ah Soomaaliga kaliya ee ku jira\u00a0 gollaha Degaanka Magaallo Madaxda Gobolka, Waxaana Wasiirka ku Weheliyey\u00a0 Xogahaya koowaad Safaaradda Somalia ay ku leedahay dalka Mareykanka Abdirahman Bashiir.<\/p>\n<p>Wasiirka oo ka qeyb galay Casha sharaf ay u sameeyeen ganacsatada\u00a0 Soomaaliyeed iyo wax garadka Gobolka Minnesota, wuxuuna Wasiirku uga warramay xaaladda Dalka iyo doorka ay ka qaaadan karaan qurba joogta Soomaaliyeed dib u dhiska iyo dar-dargalinta horumarka Dalkeena Hooyo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Dalka Soomaaliya, Maxamed C\/llaahi Salaad Oomaar iyo\u00a0 wafdi uu hoggaaminayo ayaa\u00a0 booqday Magaalada, Saint Paul ee Gobolka Minnesota Dalka maraykanka. Madaxda uu la kulmay Wasiirka waxaa ka mid ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka,\u00a0 keith Ellison, Xildhibaan Mohamuud Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaalida ah ee laga so&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":17498,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17497"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17497"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17497\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/17498"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17497"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17497"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17497"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}