{"id":17444,"date":"2019-02-21T04:57:13","date_gmt":"2019-02-21T04:57:13","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=17444"},"modified":"2019-02-21T04:57:13","modified_gmt":"2019-02-21T04:57:13","slug":"dowladda-somaliya-oo-soo-dhaweysay-war-murtiyeedka-kulankii-abiye-iyo-muuse-biixi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dowladda-somaliya-oo-soo-dhaweysay-war-murtiyeedka-kulankii-abiye-iyo-muuse-biixi\/","title":{"rendered":"Dowladda Somaliya oo soo dhaweysay war-murtiyeedka kulankii Abiye iyo Muuse Biixi"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay kulan Magaalada Adis ababa ku dhexmaray Ra&#8217;isalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland.<\/p>\n<p>Qoraal lagu qoray Bogga Facebook ee Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri &#8220;<em>Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.<\/em><\/p>\n<p><em>Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas&#8221;<\/em>.<\/p>\n<p>Sidoo kale Dowladda Federaalka ah ayaa bogaadisay dadaalka Ra&#8217;isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ee uu ku doonayo in la soo ciliyo wada shaqeynta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland,waxaana qoraalka lagu yiri<\/p>\n<p><em>&#8220;Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra&#8217;iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go&#8217;antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.<\/em><\/p>\n<p><em>Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.&#8221;.<\/em><\/p>\n<p>Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay soo jeedinta Ra&#8217;isalwasaaraha Itoobiya oo ahayd in Somaliland ay si dhow ula shaqeyso Xukuumadda Muqdisho.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay kulan Magaalada Adis ababa ku dhexmaray Ra&#8217;isalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland. Qoraal lagu qoray Bogga Facebook ee Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri &#8220;Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":17224,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17444"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17444"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17444\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/17224"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17444"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17444"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17444"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}