{"id":17122,"date":"2019-02-16T04:25:23","date_gmt":"2019-02-16T04:25:23","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=17122"},"modified":"2019-02-16T04:25:23","modified_gmt":"2019-02-16T04:25:23","slug":"jabuuti-iyo-itoobiya-oo-kala-saxiixday-heshiis-dhoofinta-shidaalka-ku-saabsan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/jabuuti-iyo-itoobiya-oo-kala-saxiixday-heshiis-dhoofinta-shidaalka-ku-saabsan\/","title":{"rendered":"Jabuuti iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiis dhoofinta shidaalka ku saabsan"},"content":{"rendered":"<p>Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis la xiriira dhoofinta shidaalka laga helay dalka Itoobiya.<\/p>\n<p>Heshiiskan ayaa ku kacaya $3.2Bilyan oo doollarka Mareykanka ah,waxaana mid ka mid ah dekadaha Dalka Jabuuti laga dhoofinayaa shidaalka Dowladda Itoobiya ay ka soo saareyso Ismaamulka Soomaalida.<\/p>\n<p>Heshiiskan waxaa qeyb ka ah Dhuumaha qaada Shidaalka oo ka billaabanaya dalka Itoobiya kuna dhamaanaya Dekadaha Dalka Jabuuti iyada oo dherarka uu gaaray 760KM.<\/p>\n<p>Sharikadda Shidaalka ee China ee\u00a0Poly-GCL , ayaa fulin doonta Mashruucan iyada oo dhiseysa Wershad shidaalka ku sifeysa Dekadda Jabuuti.<\/p>\n<p>Dhoofinta shidaalka ayaa waxaa ay billaabaneysaa sanadka 2021ka, sida ku cad heshiiskan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Jabuuti.<\/p>\n<p>Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka Dalka Itoobiya\u00a0Koang Tutlam\u00a0 ayaa sheegay in marka Mashruucani billowdo uu dakhliga dalkiisa kordhayo 6 ilaa 7% sanad kasta.<\/p>\n<p>Dalka Jabuuti waxaa heshiiskan oo shalay la saxiixay ku matalayay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka\u00a0Yonis Cali Guuleed, halka Itoobiya uu u saxiixay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka\u00a0Samuel Urkatu .<\/p>\n<p>Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Jabuuti Yoonis Cali Guuleed ayaa sheegay in hehsiiskan uu kumanaan shaqo ah u abuurayo muwaaddiniinta labada dhinac Jabuutina ka faa&#8217;deyso dakhliga wadda marista.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis la xiriira dhoofinta shidaalka laga helay dalka Itoobiya. Heshiiskan ayaa ku kacaya $3.2Bilyan oo doollarka Mareykanka ah,waxaana mid ka mid ah dekadaha Dalka Jabuuti laga dhoofinayaa shidaalka Dowladda Itoobiya ay ka soo saareyso Ismaamulka Soomaalida. Heshiiskan waxaa qeyb ka ah Dhuumaha qaada Shidaalka oo ka billaabanaya dalka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":17120,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17122"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17122"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17122\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/17120"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17122"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17122"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17122"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}