{"id":16994,"date":"2019-02-13T03:52:48","date_gmt":"2019-02-13T03:52:48","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=16994"},"modified":"2019-02-13T05:02:33","modified_gmt":"2019-02-13T05:02:33","slug":"ciidamada-dowladda-oo-xalay-howlgal-ka-sameeyay-magaalada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/ciidamada-dowladda-oo-xalay-howlgal-ka-sameeyay-magaalada-muqdisho\/","title":{"rendered":"Ciidamada Dowladda oo xalay Howlgal ka sameeyay Magaalada Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p>Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ay kusoo qab-qabteen dhalinyaro ka sameeyay Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>Si gaar ah waxa ay ugu howlgaleen Xaafadaha u dhaxeeya Carwo Idko ilaa Cali Kamiin oo katirsan Degmada Warta Nabadda.<\/p>\n<p>Goobo fagaare ah ayay Askarta isugu geynayeen Dhalinyarada oo baaris kadib sii deynayay qaarkood, halka kuwa ay ka shakiyaan ama ay la xiriirinayaan Al-Shabaab u qaadayay Saldhigyadooda, si ay Baaris ugu sameeyaan.<\/p>\n<p>Inta howlgalka uu socday waxa ay xannibeen Ciidamada Booliiska Isku socodka Dadka iyo Gaadiidka sida ay Mustaqbal u sheegeen qaar kamid ah dadka Deegaankaas.<\/p>\n<p>Dhalinyarada waxa ay weydiinayeen su&#8217;aalo ay kamid yihiin halka ay degen yihiin, iyaga oo isugu geeyay Goobo gaar ah oo kamid ah Xaafadaha howlgalka ay ka wadeen Ciidamada Booliiska.<\/p>\n<p>Qof kamid ah dhalinyaradii lagu qabtay howlgalka ayaa Mustaqbal u sheegay in goob fagaare ah la isugu geeyay, shaqsiyaadka ay waji garteen ama ay ka shakiyeen Ciidamada Dowladda ay u wateen mid kamid ah Xarumahooda Baarista.<\/p>\n<p>Ciidamada ayaa dhalinyarada Xaafadaha Degmada Warta Nabadda ee howlgalka ka socday ay kasoo qabteen isugu geeyay Goob fagaare ah sida qaar kamid ah dadkii la qabtay uu Mustaqbal u sheegay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ay kusoo qab-qabteen dhalinyaro ka sameeyay Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir. Si gaar ah waxa ay ugu howlgaleen Xaafadaha u dhaxeeya Carwo Idko ilaa Cali Kamiin oo katirsan Degmada Warta Nabadda. Goobo fagaare ah ayay Askarta isugu geynayeen Dhalinyarada oo baaris kadib sii deynayay qaarkood, halka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4856,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16994"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16994"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16994\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4856"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16994"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16994"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16994"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}