{"id":16991,"date":"2019-02-13T03:47:34","date_gmt":"2019-02-13T03:47:34","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=16991"},"modified":"2019-02-13T05:06:54","modified_gmt":"2019-02-13T05:06:54","slug":"saraakiisha-burundi-ee-amisom-oo-ka-hadlay-saameynta-kunka-askari-ee-laga-saarayo-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/saraakiisha-burundi-ee-amisom-oo-ka-hadlay-saameynta-kunka-askari-ee-laga-saarayo-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Saraakiisha Burundi ee AMISOM oo ka hadlay saameynta kunka Askari ee laga saarayo Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Waxa socdo kulamo aan dhammaad lahayn oo looga tashanayo bixitaanka Ciidankaas iyo in aan saameyn ugu reebin howlgalka Midowga Afrika ee Hir-Shabeelle ka socda.<\/p>\n<p>Sarkaal katirsan Ciidamada Burundi ee ku sugan Gobolka Shabeelle Dhexe oo ay ku leeyihiin Saldhigooda ugu weyn ayaa isweydiiyay sida uu Xaalka sii ahaan doono kadib 28-ka bishaan.<\/p>\n<p>&#8220;Marka hore ma sheegi karo waqtiga ugu horeeyo ee uu soo idlaan karo howlgalkeena, cidna ma sheegi karto sida ay noqon doono xaaladda amaan ee Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe, sidoo kale ma ogin waxa ay sameyn doono Dowladda Soomaaliya, waxyaabihii aan u sameyn jirnay bulshada ma sheegi karo in ay sii helayaan bixitaankeena kadib, waxa aan ogahay in hadda oo aan dalka joogno in dadka ay ku nool yihiin Xaalad Liidato&#8221;.<\/p>\n<p>Waa uu sii hadlay waxa uu Maamulka Hir-Shabeelle iyo Saraakiisha kale ee Burundi ka dalbaday in ay dhexda u xirtaan ka gun-gaarista howlgalka AMISOM sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>&#8220;Ciidamadeena waxa ay sameeyeen dadaalo dheeraad ah oo xagga ammaanka ah, balse waxaa jira weeraro la filan karo in ay sii kordhaan gaar ahaan sida hadda loo weeraro Ciidaadeena iyo gawaarideena marka aan ku socdaaleyno wadada isku xirta Jowhar iyo Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi oo aan ku leenahay Taliska AMISOM ee Gobolka Shabeelaha Dhexe&#8221;.<\/p>\n<p>Ciidamada Burundi ayaa Saldhigyo ku leh Degmooyin katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxa ay la howlgalaan Ciidamada Dowladda ee Halkaa ku sugan.<\/p>\n<p>Si gaar ah waxa ay gacanta ugu hayaan sugidda Ammaanka Xarumaha Muhiimka ah ee Maamulka Hir-Shabeelle.<\/p>\n<p>1,000 ka mid ah Ciidamada Burundi ayaa lagu wadaa in 28ka Bishan laga saaro Soomaaliya,gaar ahaanna Hirshabeelle,taas oo walaac dhinaca amaanka ah ku abuurtay Mas&#8217;uuliyiinta Hirshabeelle.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxa socdo kulamo aan dhammaad lahayn oo looga tashanayo bixitaanka Ciidankaas iyo in aan saameyn ugu reebin howlgalka Midowga Afrika ee Hir-Shabeelle ka socda. Sarkaal katirsan Ciidamada Burundi ee ku sugan Gobolka Shabeelle Dhexe oo ay ku leeyihiin Saldhigooda ugu weyn ayaa isweydiiyay sida uu Xaalka sii ahaan doono kadib 28-ka bishaan. &#8220;Marka hore ma&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":16992,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,81,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16991"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16991"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16991\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/16992"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16991"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16991"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16991"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}