{"id":16948,"date":"2019-02-12T05:43:51","date_gmt":"2019-02-12T05:43:51","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=16948"},"modified":"2019-02-12T06:17:58","modified_gmt":"2019-02-12T06:17:58","slug":"tarsan-safaaradda-nairobi-ma-laha-miisaaniyad-ku-filan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/tarsan-safaaradda-nairobi-ma-laha-miisaaniyad-ku-filan\/","title":{"rendered":"Tarsan: &#8220;Safaaradda Nairobi ma laha miisaaniyad ku filan&#8221;"},"content":{"rendered":"<p>Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in safaaradda looga dhigay Safiirka aysan heysan miisaaniyad ku filan oo ay ku shaqeyso.<\/p>\n<p>Tarsan oo Wareysi siiyay TV-ga Universal ayaa sheegay in weydiimaha ku saabsan xiriirka Safaaradda iyo Wasaaradda arrimaha dibadda ay tahay in la weydiiyo Wasaaradda.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo uu sheegay in lacagta ka soo xaroon jirtay Baasaboorka Soomaaliya ee laga bixiyo Nairobi ay safaaradda ku shaqeyn jirtay isagiina hadda hakad ku jiro.<\/p>\n<p>Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in inta uu xafiiska joogo uu dalal badan oo u badan Yurub iyo Mareykanka ka codsaday in ay aqoonsadaan Baasaboorka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Danjire Tarsan ayaa sheegay in safaaradda Mareykanka ee Nairobi dadka u socda Soomaaliya ay fiisaha u saarto Warqad balse aysan u saarin Baasaboorka Soomaaliya taas oo micnaheedu tahay in dowladda Mareykanka aysan aqoonsaneyn Baasaboorka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo uu Maxamuud Axmed Nuur Tarsan sheegay in isaga ay casuumaan danjirayaasha Caalamka u jooga Nairobi laakiin isaga uusan casuumi karin miisaaniyadda oo ku yar darteed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in safaaradda looga dhigay Safiirka aysan heysan miisaaniyad ku filan oo ay ku shaqeyso. Tarsan oo Wareysi siiyay TV-ga Universal ayaa sheegay in weydiimaha ku saabsan xiriirka Safaaradda iyo Wasaaradda arrimaha dibadda ay tahay in la weydiiyo Wasaaradda. Waxaa kale oo uu sheegay in&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":16950,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16948"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16948"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16948\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/16950"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16948"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16948"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16948"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}