{"id":16283,"date":"2019-01-31T04:44:41","date_gmt":"2019-01-31T04:44:41","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=16283"},"modified":"2019-01-31T04:45:09","modified_gmt":"2019-01-31T04:45:09","slug":"indha-qarshe-oo-kala-hadlaya-amisom-dagaalka-al-shabab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/indha-qarshe-oo-kala-hadlaya-amisom-dagaalka-al-shabab\/","title":{"rendered":"Indha-Qarshe oo kala hadlaya AMISOM dagaalka Al-shabab"},"content":{"rendered":"<p>Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa sheegay in ay socdaan kulamo ay la leeyihiin howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Jeneraal Indha-qarshe ayaa sheegay in taliska Ciidanka Xoogga dalka iyo Saraakiisha AMISOM ay 4ta Bisha soo socota Muqdisho ku yeelanayaan kulan la xiriira howlgalka ka dhanka ah AL-shabaab.<\/p>\n<p>Taliyaha ayaa sheegay in marka ay la kulmaan AMISOM ay la wadaagi doonaan qaabka ay doonayaan in AL-shabaab loola dagaallamo 2019ka.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo uu intaas raaciyay Jeneraal Indha-qarshe in Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka xoogga dalka ay iska kaashan doonaan xogaha sidoo kalena ay wadaagi doonaan warbixinnada la xiriira howlgalka.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa horay u shaaciyay in sanadka 2019 uu noqonayo sanadka Al-shababa laga saarayo dalka islamarkaana Bisha January la billaabayo howlgal ka dhan ah AL-shabab.<\/p>\n<p>Laakiin Bisha January ayaa dhamaatay iyada oo wali uusan billaaban howlgalka waxaana wali socda sida ay ku doodayaan dhincyada qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-shabab.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa sheegay in ay socdaan kulamo ay la leeyihiin howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Jeneraal Indha-qarshe ayaa sheegay in taliska Ciidanka Xoogga dalka iyo Saraakiisha AMISOM ay 4ta Bisha soo socota Muqdisho ku yeelanayaan kulan la xiriira howlgalka ka dhanka ah AL-shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in marka ay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4314,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16283"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16283"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16283\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4314"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16283"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16283"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16283"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}