{"id":16259,"date":"2019-01-30T10:24:15","date_gmt":"2019-01-30T10:24:15","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=16259"},"modified":"2019-01-30T10:24:15","modified_gmt":"2019-01-30T10:24:15","slug":"magaalada-jigjiga-oo-bandow-lagu-soo-rogay-habeenkii","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/magaalada-jigjiga-oo-bandow-lagu-soo-rogay-habeenkii\/","title":{"rendered":"Magaalada Jigjiga oo Bandow lagu soo rogay Habeenkii."},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in lagu soo rogay Bandow Xiliyada habeenkii ah.<\/p>\n<p>Ciidamo isugu jiro Booliis iyo Militari ayaa la geeyay Magaalada, kuwaas oo la dhigay Laamiyada, Goobaha ay isugu tagaan dadka iyo xarumaha muhiimka ah.<\/p>\n<p>Arrintaan ayaa timid kadib markii Magaalada ay shalay gelinkii dambe ay ka dhaceen rabshado, mas&#8217;uuliyiinta Laamaha ammaankane ay ku sheegeen in ay ka dambeeyaan shaqsiyaad katirsanaa Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii Dowlad Deegaanka Soomaalida Itooba oo hadda Xiran.<\/p>\n<p>Ciidamada waxa ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa dadka socda iyo kuwa ku sugan meelaha la isugu tago, si ay u xog dhageystaan, kana hortagaan hadii ay dareemaan Abaabul.<\/p>\n<p>Saraakiisha ayaa bandowgaan u arka xalka looga hortagi karo rabshada aan dhammaadka laheyn ee ay marti gelisay Jigjiga.<\/p>\n<p>Waxa ay wararku sheegayaan in ay xabsiyada ku jiraan shaqsiyaad loo xiray isku dhacyada, inkasta oo ay ka gaabsadeen Laamaha ammaanka.<\/p>\n<p>Taliyaha Booliiska Dowlad Deegaanka Soomaalida oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in aan cidna ugu heybeesan doonin sugidda ammaanka iyo hormarinta Deegaanka, shaqsiyaadka kasoo horjeedane ay gacan adag ku qaban doonaan sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>Dadka ayaa si feejigan u socda, cabsida ugu weyn ee ay qabaan ayaa ah in la xiro ama in ay saameeyaan rabshado.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in lagu soo rogay Bandow Xiliyada habeenkii ah. Ciidamo isugu jiro Booliis iyo Militari ayaa la geeyay Magaalada, kuwaas oo la dhigay Laamiyada, Goobaha ay isugu tagaan dadka iyo xarumaha muhiimka ah. Arrintaan ayaa timid kadib markii Magaalada ay shalay gelinkii dambe ay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4829,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16259"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16259"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16259\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4829"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16259"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16259"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16259"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}