{"id":16246,"date":"2019-01-30T06:13:40","date_gmt":"2019-01-30T06:13:40","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=16246"},"modified":"2019-01-30T06:13:40","modified_gmt":"2019-01-30T06:13:40","slug":"axmed-madoobe-doorashada-jubbaland-iyo-la-dagaalanka-al-shabaab-iskuma-xirna","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/axmed-madoobe-doorashada-jubbaland-iyo-la-dagaalanka-al-shabaab-iskuma-xirna\/","title":{"rendered":"Axmed Madoobe &#8220;Doorashada Jubbaland iyo La Dagaalanka Al-Shabaab iskuma xirna&#8221;."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ay sii wadayaan Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Waxa uu beeniyay in ay dib u dhigayaan Doorashada Bilooyinka soo socda la filayo in ay ka dhacdo Deegaanada Maamulkiisa.<\/p>\n<p>Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhaq-dhaqaaqiisa ay wadaan iyo Doorashada aan isku xirneen.<\/p>\n<p>Waxa uu tusaale usoo qaatay in xiligii Dalka uu ka socday Halgankii looga saarayay Gumeystihii la isku dhex wadi jiray Doorashada iyo Dagaalka, halkaana uu ka tusaale qaadan doono.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa uu ka dalbaday in la joojiyo ka tacsiyeenta Dadka Al-Shabaab ay ku dilaan qaraxyada iyo weerarada, badalkeedane ay ku dhaqaaqdo in ay duulaan ku qaado sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>Dadka ku dhinta Qaraxyada ka yar ayuu sheegay in ay kaga dhimanayaan dagaalka tooska ah ee lagu qaadayo Al-Shabaab, kuna qabsanayaan deegaanno uu tilmaamay in looga soo duulaan tago.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay tagayay Degmooyin katirsan Gobolka Jubada Hoose waxa uu ku dhawaaqayay Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, inkasta oo aan jirin illaa iminka deegaan ay ku duuleen.<\/p>\n<p>Al-Shabaab ayaa weerartay Saldhig Ciidamada Jubbaland ee loo diyaariyay dagaalka loo qorsheeyay oo ku yaalla Deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubada Hoose.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ay sii wadayaan Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxa uu beeniyay in ay dib u dhigayaan Doorashada Bilooyinka soo socda la filayo in ay ka dhacdo Deegaanada Maamulkiisa. Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhaq-dhaqaaqiisa ay wadaan iyo Doorashada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4763,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,78],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16246"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16246"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16246\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4763"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16246"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16246"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16246"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}