{"id":16094,"date":"2019-01-27T17:39:17","date_gmt":"2019-01-27T17:39:17","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=16094"},"modified":"2019-01-27T17:39:17","modified_gmt":"2019-01-27T17:39:17","slug":"faah-faahin-kasoo-baxeysa-nin-ajnabi-ah-oo-xabsiga-dhexe-lagu-dhaawacay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/faah-faahin-kasoo-baxeysa-nin-ajnabi-ah-oo-xabsiga-dhexe-lagu-dhaawacay\/","title":{"rendered":"Faah-faahin kasoo baxeysa Nin Ajnabi ah oo Xabsiga Dhexe lagu Dhaawacay."},"content":{"rendered":"<p>Wararka laga helayo Xabsiga Muqdisho ayaa sheegaya in labo katirsan Maxaabiista xabsiga ay weerar ku qaadeen nin Ajnabi ah oo u dhashay Ingiriiska.<\/p>\n<p>Weerarka ayay u adeegsadeen Sakiir ay qoorta kaga sareen Ninkaan oo dhowaan Xasiga Dhexe loo dhaadhiciyay kadib markii lagu qabtay walxa looga shakiyay in uu la raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airlines.<\/p>\n<p>Maxaabiistan ayay wararku sheegayaan in ay ka tirsanaayeen kooxda Daacish xalayna ay ku dhaawaceen Xabsiga dhexe ee Muqdisho ninkan Ajnabiga ah ee lagu magacaabayay Anthony Thomas.<\/p>\n<p>Ilo wareedyo ku dhow Xabsiga Dhexe ayaa inoo sheegay in ninka Ajnabiga ah xaaladiisa ay wanaagsan tahay, durbadiiba dhaqaatiirta Xabsiga ay ka daaweeyeen sakiintii qoorta looga jeexay.<\/p>\n<p>Warar hor leh oo mustaqbal ay heshay ayaa sheegaya in Labadan horay loogu xukumay min Toban sano.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa ah mid ugub ah in maxaabiis u xiran falal Al-Shabaab iyo daacishnimo in Xabsiga dhexdiisa ay ku weeraraan qof Maxbuus ah, waxaana ninka ajnabiga ee ku xiran Xabsiga Dhexe ay horay u amartay Maxkamadda Gobolka Banaadir in lagu sii haayo xabsiga.<\/p>\n<p>Thomas oo 48 sano jir ah ayaa waxaa loo heystaa isku day qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka waxyaabaha Qarxa.<\/p>\n<p>Ilaa hadda Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska kama aanay hadlin dhaawaca Anthony Thomas loogu geystay Xabsiga Dhexe.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka laga helayo Xabsiga Muqdisho ayaa sheegaya in labo katirsan Maxaabiista xabsiga ay weerar ku qaadeen nin Ajnabi ah oo u dhashay Ingiriiska. Weerarka ayay u adeegsadeen Sakiir ay qoorta kaga sareen Ninkaan oo dhowaan Xasiga Dhexe loo dhaadhiciyay kadib markii lagu qabtay walxa looga shakiyay in uu la raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airlines. Maxaabiistan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":16095,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16094"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16094"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16094\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/16095"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16094"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16094"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16094"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}