{"id":15779,"date":"2019-01-22T05:04:48","date_gmt":"2019-01-22T05:04:48","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=15779"},"modified":"2019-01-22T05:04:48","modified_gmt":"2019-01-22T05:04:48","slug":"mareykanka-oo-ciidan-u-soo-diraya-somaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/mareykanka-oo-ciidan-u-soo-diraya-somaliya\/","title":{"rendered":"Mareykanka oo ciidan u soo diraya Somaliya"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Mareykanka ayaa ciidan dheeraad ah u soo direysa Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka la dagaallanka Al-shabab ee Mareykanka.<\/p>\n<p>Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso 130 Askari ayaa lagu wadaa in ay Muqdisho soo gaaraan labo todobaad gudahood,kuwaas oo ku biiraya Ciidanka Mareykanka ee hadda ku sugan Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ciidamada uu soo dirayo Mareykanka waxaa uu saldhiggooda ku yaallaa Gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka,waxaana ay ka tirsanyihiin Guutada 102aad ee Ciidanka Mareykanka.<\/p>\n<p>Saraakiisha Hoggaamineysa Ciidamadan ayaa sheegay in ay dhameysteen tababarka islamarkaana labo todobaad gudahood\u00a0 loo dirayo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Mareykanka waxa Soomaaliya ka jooga askar lagu qiyaasay 500 oo Askari kuwaas oo u badan lataliyayaal iyo tababarayaal Ciidan mararka qaarna ka qeyb qaata howlgallada gaarka ah.<\/p>\n<p>Xarunta ugu weyn Taliska Mareykanka ee Soomaaliya waa Garoonka Balli doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose ,iyada oo xarun kalena ay ku leeyihiin Muqdisho.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo ay joogaan Talisyada Ciidamada AMISOM\u00a0 ee Gobollada,waxaana ay mararka qaar la howlgalaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Labadii Sano ee la soo dhaafay Askari Mareykan ahaa ayaa lagu dilay gobolka Jubada hoose halka afar kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo ka horreeyay Askari kale oo Mareykan ahaa kaas oo ku dhaawacmay Howlgal Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mareykanka ay ka fuliyeen degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha hoose.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Mareykanka ayaa ciidan dheeraad ah u soo direysa Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka la dagaallanka Al-shabab ee Mareykanka. Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso 130 Askari ayaa lagu wadaa in ay Muqdisho soo gaaraan labo todobaad gudahood,kuwaas oo ku biiraya Ciidanka Mareykanka ee hadda ku sugan Soomaaliya. Ciidamada uu soo dirayo Mareykanka waxaa uu&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":15780,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15779"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15779"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15779\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/15780"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15779"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15779"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15779"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}