{"id":15770,"date":"2019-01-21T17:44:12","date_gmt":"2019-01-21T17:44:12","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=15770"},"modified":"2019-01-21T17:44:12","modified_gmt":"2019-01-21T17:44:12","slug":"somali-iyo-syrian-ku-dhaawacantay-qaraxa-ka-dhacay-degmada-hodan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/somali-iyo-syrian-ku-dhaawacantay-qaraxa-ka-dhacay-degmada-hodan\/","title":{"rendered":"Somali iyo Syrian ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay degmada Hodan."},"content":{"rendered":"<p>Inta la ogyahay Shan qof ayaa ku dhaawacantay qarax xoogan oo gelinkii dnabe ee maanta ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Qaraxa waxa uu haleelay gaari ay saarnaayeen Dhakhaatiir ka shaqeysa Isbitaalka Muqdisho City ee ku yaala dalcada C\/Qaasim, dadka dhaawacmay waa 2 Syrian ah iyo 3 Somali ah, sidaas waxaa inoo sheegay qof kamid ah dadkii qaraxa ka badbaaday.<\/p>\n<p>Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Dhakhaatiirtan ay ka yimaadeen Garoonka Caanka ah ee lagu ciyaaro Kubbada Cagta ee JOBKEY, Kaasoo ku yaala meel aan ka fogeyn Xarunta Isbitaalka, Qaraxa waxa uu dhacay xiliyay xubnahan ay isaga dagayeen gaarigii ay wateen.<\/p>\n<p>Labada Ajaanibta ah, ayaa la soo sheegayaa in xaaladooda ay darantahay, Mid kamid ah ayaa la sheegay inuu qaraxa oo ahaa nooca Dhejiska uu ku waayay lug iyo gacan kamid ah jirkiisa.<\/p>\n<p>Ciidamada amaanka ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoo sameeyay baaritaano waloow aaney la soo sheegin dad ay soo qabteen.<\/p>\n<p>Todobaad gudihiis waa qaraxii 3-aad ee ka dhacay degmada Hodan, hore waxa uu qaraxyo uga dhacay Maqaaxida The Village iyo nawaaxiga Isbitaalka Kalkaal, kuwaasoo geystay khasaare.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Inta la ogyahay Shan qof ayaa ku dhaawacantay qarax xoogan oo gelinkii dnabe ee maanta ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Qaraxa waxa uu haleelay gaari ay saarnaayeen Dhakhaatiir ka shaqeysa Isbitaalka Muqdisho City ee ku yaala dalcada C\/Qaasim, dadka dhaawacmay waa 2 Syrian ah iyo 3 Somali ah, sidaas waxaa inoo sheegay qof&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":15771,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15770"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15770"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15770\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/15771"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15770"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15770"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15770"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}