{"id":15735,"date":"2019-01-21T06:27:53","date_gmt":"2019-01-21T06:27:53","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=15735"},"modified":"2019-01-21T06:27:53","modified_gmt":"2019-01-21T06:27:53","slug":"booliska-kenya-oo-sheegay-in-weerarkii-dusit-ka-hor-ay-fashiliyeen-weerar-kale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/booliska-kenya-oo-sheegay-in-weerarkii-dusit-ka-hor-ay-fashiliyeen-weerar-kale\/","title":{"rendered":"Booliska Kenya oo sheegay in weerarkii Dusit ka hor ay fashiliyeen weerar kale"},"content":{"rendered":"<p>Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in Al-shabab ay qorsheeyeen weerarro mataano ah oo isku mar la damacsanaa in laga fuliyo Mombasa iyo Nairobi.<\/p>\n<p>Saraakiil Boolis ah oo magacooda qariyay ayaa u sheegay The Star in Ciidanka Amaanka ay fashiliyeen weerar la mid ahaa kii Dusit Hotel ee Nairobi oo isla maalintaas lala damacsanaa Magaalada Mombasa.<\/p>\n<p>Boolisku waxaa ay sheegeen in ay heleen xogta xiriir isku xirayay kooxda weerartay Nairobi iyo kuwa Mombasa damacsanaa.<\/p>\n<p>Waxaa ay xireen waddada isku xiirta Mombasa iyo Malindi kana timaada keynta Booni,iyaga oo raadinayay Gaari Hoomey ah oo 14 kursi leh kaas oo rasaas u waday kooxda damacsanaa weerarka Mombasa.<\/p>\n<p>Markii ay Kooxda Nairobi ka war heleen in waddooyinka xiranyihiin ayey go\u2019aansadeen in ay ku dhaqaaqaan weerarka sidaasna lagu fashiliyay weerarkii Mombasa.<\/p>\n<p>Xogtan ayey u badantahay in laga helay qoyska Ninkii isku qarxiyay Hotel DusitD2 oo la soo xiray Aabbihiis iyo Xaaskiisa.<\/p>\n<p>Xaaska Maahir Khalid Riziki, oo ah Ninka isqarxiyay ayaa Taleefankeeda la wacay waxaana markii la wacay soo baxay Magaca hadafku waa Jannada oo ku soo baxday adeegga True Caller-ka ee Taleefanada.<\/p>\n<p>Lama sheegin ilaa hadda goobta rasmiga ah ee weerarka Mombasa lala doonayay,waxaana ay Booliska ka gaabsadeen faah faahinta qorshaha ay sheegeen in uu fashilmay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in Al-shabab ay qorsheeyeen weerarro mataano ah oo isku mar la damacsanaa in laga fuliyo Mombasa iyo Nairobi. Saraakiil Boolis ah oo magacooda qariyay ayaa u sheegay The Star in Ciidanka Amaanka ay fashiliyeen weerar la mid ahaa kii Dusit Hotel ee Nairobi oo isla maalintaas lala damacsanaa Magaalada Mombasa&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":15737,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,1,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15735"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15735"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15735\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/15737"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15735"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15735"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15735"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}