{"id":14180,"date":"2018-12-28T05:26:53","date_gmt":"2018-12-28T05:26:53","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=14180"},"modified":"2018-12-28T05:26:53","modified_gmt":"2018-12-28T05:26:53","slug":"ciidamo-milatari-ah-oo-ku-baxay-joojinta-dagaalka-kaxandhaale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/ciidamo-milatari-ah-oo-ku-baxay-joojinta-dagaalka-kaxandhaale\/","title":{"rendered":"Ciidamo Milatari ah oo ku baxay joojinta dagaalka Kaxandhaale."},"content":{"rendered":"<p>Waxaa Saaka degan xaalada deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen Maleeshiyaad qaab Qabiil u abaabulan.<\/p>\n<p>Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga dalka oo shalay gaaray deegaanka, ayaa ku guuleystay iney joojiyaan dagaalka, iyagoo labada dhinac lakala dhex dhigay Milatari katirsan qeybta 21-aad ee Xoogga dalka.<\/p>\n<p>Ciidamada dagaalka ku baxay, ayaa ka kala yimid magaalooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado, iyadoo amarka tagistooda la sheegay inuu biixyay Taliyaha Milatariga Somaliya Janaraal Daahir Aadan Cilmi.<\/p>\n<p>Inkastoo wali aan lakala qaadin dhinacyadii dagaalamay, ayaa hadana xaalada Saaka waxa ay tahay mid dagan, mana jirto wax rasaas ah oo la maqlayo, waxaana durba bilowday dib u soo laabasho ay sameynayaan dadkii dagaalka ka cararay.<\/p>\n<p>Dagaaladii u danbeeyay ee Kaxandhaale, ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhowaad 20 Ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay, iyadoo Isbitaalka weyn ee Cadaado la geeyay dhaawacyada.<\/p>\n<p>Dhinacyada ku dagaalamay deegaanka Kaxandhaale ee dhaca xadka Somaliya iyo Itoobiya, ayaa waxa uu salka ku hayaa dagaalkooda dhul daaqsin, iyadoo dhowr jeer oo horwna sidan oo kale ugu dagaalameen.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa Saaka degan xaalada deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen Maleeshiyaad qaab Qabiil u abaabulan. Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga dalka oo shalay gaaray deegaanka, ayaa ku guuleystay iney joojiyaan dagaalka, iyagoo labada dhinac lakala dhex dhigay Milatari katirsan qeybta 21-aad ee Xoogga dalka. Ciidamada dagaalka ku baxay,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":14181,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[80,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14180"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14180"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14180\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/14181"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14180"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14180"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14180"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}