{"id":13739,"date":"2018-12-20T04:50:48","date_gmt":"2018-12-20T04:50:48","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=13739"},"modified":"2018-12-20T07:31:14","modified_gmt":"2018-12-20T07:31:14","slug":"4ta-masuul-ee-ugu-sarreysa-hirshabeelle-oo-ka-maqan-jowhar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/4ta-masuul-ee-ugu-sarreysa-hirshabeelle-oo-ka-maqan-jowhar\/","title":{"rendered":"4ta Mas&#8217;uul ee ugu sarreysa Hirshabeelle oo ka maqan Jowhar"},"content":{"rendered":"<p>Madaxda dowladgoboleedka Hirshabeelle sida madaxweynaha, kuxigeenka, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenka 1aad ayaa kawada maqan gobolka<\/p>\n<p>Madaxweynaha, iyo ku xigeenkiisa ayaa ku maqan safar dibadda ah,halka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa 1aad ay joogaan Muqdisho.<\/p>\n<p>Dhowr kii todobaad ee la soo dhaafay ma dhicin shirka Golaha Wasiirrada Maamulka Hirshabeelle, madax katirsan Hirshabeelle ayaa sidaa u sheegay Mustaqbal Radio.<\/p>\n<p>Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku maqan fasax ku eg 21ka Bishan December,waxaana Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle ku yar joogidda madaxda maamulka.<\/p>\n<p>Inta badan mas&#8217;uuliyiinta Hirhsabeelle waxaa ay joogaan Muqdisho,waxaana ay kaliya tagaan Jowhar marka ay jirto doorasho, mooshinka ka jiro maagaalada ama howlo kale ka jiraan Magaalada.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa\u00a0 dhowr jeer\u00a0 qabtay shirka Golaha Wasiirrada, taas oo lagayaabo in ay sababtay hoos u dhaca shaqada maamulka.<\/p>\n<p>Amaanka Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa horyaal caqabado ay ugu horreeyaan nabadgelyada jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar iyada oo Al-shabaab weerar ka geystaan\u00a0 waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar islamarkaana adeegsiga maamulka ee jidkaasi ay u\u00a0 baahan tahay howl badan.<\/p>\n<p>Todobaadkan Al-shabaab ayaa degmada Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe 50KM u jirta Jowhar waxaa ay ku dileen sarkaal ka mid ahaa Milatariga Soomaaliya,kaas oo ay ka qabteen waddada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar,gaar ahaan inta u dhaxeysa Tuulooyinka Qalimoow iyo Gololey.<\/p>\n<p>Mustaqbal Radio<\/p>\n<p>Hirshabeelle<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxda dowladgoboleedka Hirshabeelle sida madaxweynaha, kuxigeenka, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenka 1aad ayaa kawada maqan gobolka Madaxweynaha, iyo ku xigeenkiisa ayaa ku maqan safar dibadda ah,halka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa 1aad ay joogaan Muqdisho. Dhowr kii todobaad ee la soo dhaafay ma dhicin shirka Golaha Wasiirrada Maamulka Hirshabeelle, madax katirsan Hirshabeelle ayaa sidaa u&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":13740,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13739"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13739"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13739\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/13740"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13739"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13739"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13739"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}