{"id":12757,"date":"2018-12-05T07:27:18","date_gmt":"2018-12-05T07:27:18","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=12757"},"modified":"2018-12-05T07:27:18","modified_gmt":"2018-12-05T07:27:18","slug":"leroy-sane-iyo-david-silva-oo-hogaaminaya-laacibiinta-u-tar-tamaya-xidiga-bisha-ee-premier-league-ga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/leroy-sane-iyo-david-silva-oo-hogaaminaya-laacibiinta-u-tar-tamaya-xidiga-bisha-ee-premier-league-ga\/","title":{"rendered":"Leroy Sane iyo David Silva oo hogaaminaya laacibiinta u tar-tamaya xidiga bisha ee Premier League-ga."},"content":{"rendered":"<p>Laacibiinta hogaamiya kooxda Man City ee Leroy Sane iyo David Silva oo hogaaminaya xidigaha u tar-tarmayi doono abaalmarinta xidiga bishii November.<\/p>\n<p>City ayaa dhamaan wada badisay kulamadii bishii hore iyaga oo dhaliyay 13 gool kulamadii 3-da ahaa ee ay ciyaareen premier league.<\/p>\n<p>Waxa ay 6 gool ka dhaliyeen Southampton ka hor inta ayna Man United ka badin si la mid ah 4 gool kaga badin kooxda West Ham.<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong>Xiddiag reer England ee Raheem Sterling ayaa laf dhabar u aha kooxdiisa Bishaas isaga oo 2 gool ka dhaliyay kulamadii ay kooxdiisu ciyaartay bishii hore.<\/p>\n<p>Sane ayaa dhanka kale dib u helay qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa isaga oo dhaliyay 2 gool kulankii West Ham sidoo kale gool dhaliyay kulankii Southampton.<\/p>\n<p>Silva oo kabtan u ah kooxda bishii hore ayaa dhaliyay 3 gool kulamadii ay ciyaartay man city bishii la soo dhaafay.<\/p>\n<p>Xiddiga daafaca uga ciyaara Liverpool ee Andy Robertson ayaa sidoo kale ku tartamaya abaalmarinta bisha kadib markii uu xiddiga reer Scotland qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.<\/p>\n<p>Xiddiga kooxda West Ham ee Felipe Anderson ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha u tartamaya abaalmarinta kadib 3 gool oo uu dhaliyay bishii November.<\/p>\n<p>Si la mid ah xiddiga Tottenham ee Moussa Sissoko iyo daafaca kooxda Everton ee Lucas Digne ayaa ku soo baxay Liiska 7-da xiddig ee u tartamaya abaalmarinta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Laacibiinta hogaamiya kooxda Man City ee Leroy Sane iyo David Silva oo hogaaminaya xidigaha u tar-tarmayi doono abaalmarinta xidiga bishii November. City ayaa dhamaan wada badisay kulamadii bishii hore iyaga oo dhaliyay 13 gool kulamadii 3-da ahaa ee ay ciyaareen premier league. Waxa ay 6 gool ka dhaliyeen Southampton ka hor inta ayna Man United&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":12758,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12757"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12757"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12757\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/12758"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12757"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12757"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12757"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}