{"id":12690,"date":"2018-12-04T09:26:14","date_gmt":"2018-12-04T09:26:14","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=12690"},"modified":"2018-12-04T09:26:14","modified_gmt":"2018-12-04T09:26:14","slug":"azpilicueta-oo-heshiis-waqti-dheer-u-saxiixay-kooxdiisa-chelsea","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/azpilicueta-oo-heshiis-waqti-dheer-u-saxiixay-kooxdiisa-chelsea\/","title":{"rendered":"Azpilicueta oo heshiis waqti dheer u saxiixay kooxdiisa Chelsea."},"content":{"rendered":"<p>Daafaca kooxda Chelsea iyo xulka Spain Cesar Azpilicueta oo ugu dambeyn mustaqbalkiisa oo dhan u hibeeyay kooxdiisa Chelsea.<\/p>\n<p>Azpilicueta ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo 4 sano ah kaas oo Stamford Bridge ku sii hayn doona ilaa xagaaga 2022.<\/p>\n<p>Cesar Azpilicueta Ayaa kabtan u ahaa kooxda chelsea xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya 2 kulan u jira in uu kooxda chelsea u safto kulankiisii 300-aad ee tartamada oo dhan.<\/p>\n<p>Azpilicueta ayaa noqon doona xiddigii 7-aad ee rikoorkaas gaara ee aan u dhalan dalka England isaga oo sidoo kale noqday xiddigii 2-aad ee heshiis cusub qalinka ugu duuga kooxda todobaadyo kadib markii uu N\u2019Golo Kante qalinka ku duugay heshiis cusub.<\/p>\n<p>Heshiiska cusub ee uu Cesar saxiixay ayaa la macno ah in uu kooxda chelsea sii joogo 10 xilli ciyaareed hadii uu dhamaysto 4-ta sano ee soo socota ee uu heshiiska saxiixay.<\/p>\n<p>Xiddigan ayaa kooxda chelsea ku soo biiray xagaagii 2012 isaga oo kooxda kula guulaystay Champions League,Europa League, Premier leagu iyo waliba FA Cup iyo League Cup.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Daafaca kooxda Chelsea iyo xulka Spain Cesar Azpilicueta oo ugu dambeyn mustaqbalkiisa oo dhan u hibeeyay kooxdiisa Chelsea. Azpilicueta ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo 4 sano ah kaas oo Stamford Bridge ku sii hayn doona ilaa xagaaga 2022. Cesar Azpilicueta Ayaa kabtan u ahaa kooxda chelsea xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya 2 kulan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":12697,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12690"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12690"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12690\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/12697"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12690"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12690"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12690"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}