{"id":12601,"date":"2018-12-03T05:21:16","date_gmt":"2018-12-03T05:21:16","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=12601"},"modified":"2018-12-03T05:21:16","modified_gmt":"2018-12-03T05:21:16","slug":"dowladda-talyaaniga-oo-wadahadal-kula-jirta-kooxdii-afduubatay-silvia","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dowladda-talyaaniga-oo-wadahadal-kula-jirta-kooxdii-afduubatay-silvia\/","title":{"rendered":"Dowladda Talyaaniga oo wadahadal kula jirta kooxdii afduubatay Silvia"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Talyaaniga ayaa xaqiijisay in ay wadahadal kula jirto koox hubeysan oo 20kii Bishan Haweeney u dhalatay dalkaas ka afduubatay Dalka Kenya.<\/p>\n<p>Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in uu socdo wadahadal u dhaxeeya koox gaareysa shan Nin oo aad u hubeysan kuwaas oo afdubtay\u00a0Silvia Romano.<\/p>\n<p>Kooxda ayaa afduubkan ka geystay degaanka\u00a0Chakama ee ka tirsan Gobolka Kilifi,waxaa ay dhaawaceen 5 Qof oo uu ka \u00a0mid yahay wiil yar oo 10 jir ah.<\/p>\n<p>Booliska Kenya ayaa sheegay in ay hayaan raadka Ragga wax afduubtay oo ay isku dayayaan in ay Gabadha ka soo furtaan,laakiin dowladda Talyaaniga ayaa iyana sheegtay in ay dooneyso Salvia oo aan waxba gaarin in ay xorriyaddeeda dib u hesho.<\/p>\n<p>Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Gabadha Talyaaniga ee Waxbarashada ka wadday degaankaas ay afduubteen xubno ka tirsan Al-shabab.<\/p>\n<p>Waxaa ay Ciidamada kala duwan ee Kenya ku daabushay Keynta Booni,halkaas oo ay Dowladda Kenya tuhmeyso in ay Al-shabaab ku hayaan Haweeneyda lagu magacaabo Salvia Romono.<\/p>\n<p>Dowladda Talyaaniga ma sheegin halka uu marayo wadahadalka,haddii ay madaxfurasho weydiisteen qolada wax afduubtay iyo in uu guuleystay.<\/p>\n<p>Al-shabaab oo lagu eedeeyay afduubkaas wali kama hadlin,waxaana kaliya ku eedeysay Dowladda Kenya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Talyaaniga ayaa xaqiijisay in ay wadahadal kula jirto koox hubeysan oo 20kii Bishan Haweeney u dhalatay dalkaas ka afduubatay Dalka Kenya. Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in uu socdo wadahadal u dhaxeeya koox gaareysa shan Nin oo aad u hubeysan kuwaas oo afdubtay\u00a0Silvia Romano. Kooxda ayaa afduubkan ka geystay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":12604,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12601"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12601"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12601\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/12604"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12601"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12601"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12601"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}