{"id":12431,"date":"2018-12-01T04:13:56","date_gmt":"2018-12-01T04:13:56","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=12431"},"modified":"2018-12-01T04:15:53","modified_gmt":"2018-12-01T04:15:53","slug":"gudoomiye-ku-xigeenka-mahadaay-oo-rajo-xumo-ka-muujiyay-dacwad-uu-ka-gudbiyay-gudoomiyihiisa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/gudoomiye-ku-xigeenka-mahadaay-oo-rajo-xumo-ka-muujiyay-dacwad-uu-ka-gudbiyay-gudoomiyihiisa\/","title":{"rendered":"Gudoomiye ku xigeenka Mahadaay oo Rajo Xumo ka muujiyay Dacwad uu ka gudbiyay Gudoomiyihiisa."},"content":{"rendered":"<p>Cabdullaahi Abuukarey Afarow Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maareynta Degmada Mahadaay oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Gudoomiyaha Mahadaay uu sameeyay Musuq-maasuq.<\/p>\n<p>Isbada mareynta waxa uu tilmaamay in uu ku sameeyay Lacagaha canshuuraha ah, mid loogu talagalay dadkii Abaarta saameysay oo gaareysa $40 kun oo oo doolar iyo tan qoondada ee loogu talagalay Mas&#8217;uuliyiinta Maamulka iyo shaqaalahooda.<\/p>\n<p>Cabdullaahi ayaa sheegay in bishii 5-aad ee sanadkaan wixii ka dambeeyay aan arag lacagaha Qoondada ah, waxa uuna ku sababeeyay in Gudoomiyaha uu qaatay, maadaama Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle ay isaga usoo dhiibtay.<\/p>\n<p>Dhanka kale waxa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maareynta Degmada Mahadaay Cabdullaahi Abuukarey in Dacwad ka dhan ah Gudoomiye Axmed uu u gudbiyay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Degmada.<\/p>\n<p>Maanta oo ku beegan 1-da Desembar ayuu tilmaamay in uu sugayo Jawaabta Maamulka Hir-Shabeelle, balse waxa uu rajo xumo ka muujiyay in uu helo Warcelin uu ku qanco.<\/p>\n<p>Sababta waxa uu ku sheegay in mas&#8217;uuliyiinta Maamulka Degmada uu isbadal ku sameeyay, Wasiirka Arrimaha Gudaha Caadle waxa uu ka dalbaday in uu faragelin ku sameeyo si lamid ah Maamulkii Gobolka Hiiraan iyo Degmada Baladweyne.<\/p>\n<p>Isqab-qabsiga dhanka maamulka ah ayaa ka taagaan Degmada Mahadaay, dadka deegaanka waxa ay ku sheegeen in is maandhaafka uu isku badalay in mas&#8217;uuliyiinta ay la kala saftaan shaqsiyaad ehelkood ah.<\/p>\n<p>Ma jirto Jawaab kasoo baxay Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ee dhaliisha loo jeediyay, waan idiin soo gudbin doonaa hadii aynu helno si uu ugu warceliyo eeddan ka dhanka ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Cabdullaahi Abuukarey Afarow Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maareynta Degmada Mahadaay oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Gudoomiyaha Mahadaay uu sameeyay Musuq-maasuq. Isbada mareynta waxa uu tilmaamay in uu ku sameeyay Lacagaha canshuuraha ah, mid loogu talagalay dadkii Abaarta saameysay oo gaareysa $40 kun oo oo doolar iyo tan qoondada ee loogu talagalay Mas&#8217;uuliyiinta&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":12439,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,81,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12431"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12431"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12431\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/12439"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12431"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12431"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12431"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}