{"id":12213,"date":"2018-11-27T09:52:31","date_gmt":"2018-11-27T09:52:31","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=12213"},"modified":"2018-11-27T10:20:26","modified_gmt":"2018-11-27T10:20:26","slug":"faroole-waan-xallinnay-khilaafkii-dowladda-dhexe-iyo-dowlad-goboleedyada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/faroole-waan-xallinnay-khilaafkii-dowladda-dhexe-iyo-dowlad-goboleedyada\/","title":{"rendered":"Aqalka sare oo sheegay in go&#8217;aan laga gaaray khilaafkii dowladda dhexe iyo D.Goboleedyada"},"content":{"rendered":"<p>C\/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ka mid ah Xubnaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in Aqalka sare ee dalka uu ku guuleystay in uu go&#8217;aan ka soo saaro khilaafkii u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada.<\/p>\n<p>Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada iyo 4 mid weliba gaar u dooneyso in wax laga qabto, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah.<\/p>\n<p>Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada:<\/p>\n<p>Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka.<\/p>\n<p>Ka howlgelidda dhismaha\u00a0 ciidama qaranka iyo sugidda amniga.<\/p>\n<p>Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka.<\/p>\n<p>Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.<\/p>\n<p>Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta.<\/p>\n<p>Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan.<\/p>\n<p>Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go\u2019aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaran<\/p>\n<p>Faragelin la\u2019aanta doorashooyinka DXDF iyo kuwa dowladda dhexe<\/p>\n<p>Cabashooyinka u gaar ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah<\/p>\n<p>Puntland: Taageeridda ciidamada xoogga dalka(SNA), qeybta Puntland xagga mushaarooyinka, tababarrada iyo agabka.<\/p>\n<p>Jubbaland: Taageeridda ciidamada daraawiishta ee Jubbaland, tayeytooda iyo kala howl-gelidda amniga guud ee Jubbaland.<\/p>\n<p>Koonfur Galbeed: kala shaqeynta sugidda amniga gaar ahaan Muqdisho-Baydhabo.<\/p>\n<p>Galmudug: La dhisidda ciidanka maamul Galamudug iyo la xoreynta dagaannada ay amni-darrida ku hayaan Al-shabaab<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Guddiga waxaa ay xukuumadda federaalka ah u soo-jeediyeen fulinta qodobada kor ku xusan, oo ah 8 qodob oo guud iyo 4 midba gooni u yahay maamul, oo ah nuxurka tabashooyinka<\/p>\n<p>Go\u2019aanka waxaa lagu saleeyey tabashooyin u dhaxeeya hey\u2019ado isku dowlad ah oo leh shakhsiyad sharci, si waafaqsan dastuurka kmg ee Soomaaliya, kaas oo ku soco-la\u2019aantiisa ay waxyeello u geysaneyso qabashadii adeegyada ay dadka iyo dalka u hayaan hey\u2019adaha dowliga ah ee dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.<\/p>\n<p>Guddiga waxaa uu sidoo kale go\u2019aankiisa ku saleeyey heerka dowlad goboleedyada ay mas\u2019uuliyadoodu tahay fulinta adeegyada dadka u baahanyihiin meelaha ka baxsan caasimadda iyo mas\u2019uuliyadda dowladda dhexe ee \u201cu taagnaanta iyo matalaadda qarannimada Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>C\/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ka mid ah Xubnaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in Aqalka sare ee dalka uu ku guuleystay in uu go&#8217;aan ka soo saaro khilaafkii u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada. Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":12221,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[80,59,81,78,79,77,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12213"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12213"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12213\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/12221"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12213"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12213"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12213"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}