{"id":12122,"date":"2018-11-26T08:59:38","date_gmt":"2018-11-26T08:59:38","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=12122"},"modified":"2018-11-26T09:38:09","modified_gmt":"2018-11-26T09:38:09","slug":"maamulka-gobolka-banaadir-oo-wajahaya-eed-la-xiriirta-maamulka-dhaqaalah-dowladda-hoose-ee-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maamulka-gobolka-banaadir-oo-wajahaya-eed-la-xiriirta-maamulka-dhaqaalah-dowladda-hoose-ee-muqdisho\/","title":{"rendered":"Maamulka gobolka Banaadir oo Wajahaya eed la xiriirta  Dhaqaalaha Dowladda Hoose ee Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Maamulka gobolka Banaadir oo dhowaan kajawaabayey warbixinta guddiga maaliyadda ee golaha shacabka ayaa soosaaray warsaxaafeed kuqoran lahjad adag oo lagu sheegay in shaqsiyaad kamid ah gudiga maaliyadda golaha shacabku ay si gaar ah u soosaareen warbixintaas.<\/p>\n<p>Haddaba Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay\u2019adaha Dowladdu isaga oo soo xiganaya wrabixinta Hantidhowrka qaranka ee tixraaceedu yahay XHG\/HG-0138\/2018, kuna taariikheysan 17-Nov-2018, \u00a0waxa uu ku qoray warbixintiisa in dowladda hoose ee Muqdisho aanay lahayn hannaan Miisaaniyad sanadeed degsan iyo qorshe dakhli iyo kharash, warbixinta guddiga Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay\u2019adaha Dowladda ayaa lagu qoray sidan:<\/p>\n<p>\u201cSida ku cad warbixinta hanti-dhowraha guud waxaa soo galay khasnadda Maamulka gobalka banaadir lacag dhan <strong>$15,281,181<\/strong> mudada u dhaxaysa Janaayo ilaa june 2018 halka hore ay ugu jirtay lacag dhan <strong>$1,911,464.42<\/strong> kana dhigaysa wadarta guud ee dakhliga maamulka gobalka Banaadir lacag dhan <strong>$16,556,504.75<\/strong> mudada u dhaxaysa jaanyo ilaa juun-2018, balse waxaa uu maamulka gobalka Banaadir ka helay dowladda dhexe lacag dhan <strong>$8,575,343.24<\/strong> kana mid ah lacagaha sare ku xusan isla mudada sare ku xusan, waana lawada kharash gareeyay isla muadaas sare ku xusan dhammaan lacagahaas, inta badan malahan\u00a0 cadaymo kufilan isticmaalka lacagtaa sare ku xusan waxaana ka muuqda maamulxumo maaliyadeed oo baahsan habka kharash bxineed ee maamulka Gobalka Banaadir waxaana ka mid ah:<\/p>\n<ol>\n<li>Dowladda hoose malahan Miisaaniyada sanadeed degsaan iyo qorshe dakhli iyo kharash oo ay ansixisay jiho ka madaxbanaan maamulka gobalka banaadir<\/li>\n<li>In ay jiraan ha\u2019yado iyo shakhsiyaad ka baxsan dowlada hoose oo si joogta ah lacag uga qaata dowlada hoose ayada oo aynan jirin wax heshiis qoran ama shaqa ah oo ay u hayaan maamulka gobalka ama dowladda hoose.<\/li>\n<li>In khasnajiga dowlada hoose<a href=\"#_ftn1\" name=\"_ftnref1\">[1]<\/a> kasoo bixiyay si shakhsi ah bangiga dhexe lacag dhan $5,972,0852.82 mudada u dhaxaysan Janaayo ilaa Juun 2018 mana cada sida loo isticmaalay lacagahaas.<\/li>\n<li>Habraaca iibka iyo bixinta qanadaraasyada ee dowlada hoose in aan loo marin tartan furan taas oo dhiiri gelinaysa musuq maasuq, naas nuujin, maamul xumo iyo xatooyada xoolaha dadweynaha isla markaana baarlmarsan sharciga iibka qaranka<\/li>\n<li>Dhammaan shaqaalaha dowlada hoose gunnada lasiiyo waxaa laga jaraa 30% sifo aan sharci ahayn waxaana jira Shakhsiyaad farabadan oo gunno ku qaata lataliyaal aanan lahan wax tixraac waajibaad shaqo ah (ToR) oo qoran heshiisna kula jirin gobalka Banaadir.<\/li>\n<li>waxaa kaloo intaas dheer in Maamulka Gobalka Banaadir uu ka helay dowlada dhexe lacag kabadan Qoondada Miisaaniyadda ee aan cadayn isticmaalkeedu mudada u dhaxasa Janaayo ilaa Agoosto 2018. Waxaana sharci dara ah in hay\u2019adaha dowlada loo hormariyo lacag aan la gaarin waqtigoodi&#8221;<\/li>\n<\/ol>\n<p><strong>Halkan ka akhri warbixinta Guddiga Maaliyadda golaha shacabka<\/strong><\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/War-Bixinta-Guddiga-Maaliyadda-2018-1.pdf\">War-Bixinta Guddiga Maaliyadda 2018<\/a><\/p>\n<p>Xafiiska Hanti-dhowrka qaranka ayaa soo jeediyey in si kmg ah loo sameeyo guddi maamul (Control Broad) oo haga hannaanka dowlad-wanaagga, kala shaqeeya sixidda qaladaadka baaxadda leh, buuxiyana kormeerka iyo isla xisaabtanka ka maqan dowladda hoose, si looga fogaado Musuqmaasuq iyo Maamul xumo.<\/p>\n<p><strong>Halkan ka akhri warbixinta XHG<\/strong><\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/Warbixinta-XHG_Doc-2018-11-20-10.40.25.pdf\">Warbixinta XHG_Doc 2018-11-20 10.40.25<\/a><\/p>\n<p><strong>Warsaxaafadeedka Gobolka Banaadir <\/strong><\/p>\n<p>Muqdisho, 25 Noveembar 2018 &#8211;<\/p>\n<p>Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ka falcelinaya qoraalka kasoo baxay shaqsiyaad ka mid ah Guddi Hoosaadka Maaliyadda BFS, oo lagu baahiyey warbaahinta iyo baraha bulshada.<\/p>\n<p>Dowladda Hoose ee Xamar &amp; Maamulka Goboka Banaadir waxuu ugu horeyn beeninayaa warbixintaas been abuurka aheyd oo si ku talagal ah u siyaasadeysneyd taasoo aan ka tarjumeynin xaqiiqada dhabta ah iyo horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ka sameynayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sida ku cad warbixinta ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Qodobkiisa (t) Farqadiisa 9aad oo ay ku sheegeen in Dowladda Hoose ee Xamar ay soo gashay Lacag dhan $16,556,504.75 mudadii 6da bilood ee Janaayo Ivo Juun 2018, taas oo ah mid aan sax aheyn oo caddada intaas la egna aysan soo xaroon.<\/p>\n<p>Waxaa intaas sii dheer in dhammaan lacagaha Dowladda Hoose soo gala ay si toos ah ugu dhacaan Bangiga dhexe isla markaasna laga kharash gareeyo oo waxii faahfaahin ah laga heli karo.<\/p>\n<p>farqadda 9aad (b), Dowladda Hoose waxey beenineysaa eedeyntan, waxeyna caddeyneysaa in Maamulka uu leeyahay miisaaniyad sannadeed degsan, miisaaniyad sannadeedka 2018 oo la ansaxiyey, waxaana lagu shubaa miisaaniyadda nidaamka habka casriga ee (BRAFMIS).<\/p>\n<p>Sida ku cad farqadda 9aad (d) Lacagaha 5.9 Milyan ee ku xusan in uu soo bixiyay khasnajiga Guud ee Dowladda Hoose, waa kuwa nidaamka maray oo Bankiga Dhexe uu hayo sidey u baxeen, ciddii faahfaahin dooneysana ay ka heli karto, kharashaadkaas waxay ku baxeen gunadda mushaaraadka shaqaalaha oo Bangiga Dhexe uu u wareejiyey koontooyinka shaqaalaha ay ku leeyihiin Bangiyada gaarka ah, qaarna waa mashaariicda ay hay\u2019adaha caalamku ka fuliyaan caasimada, sida kharashaadka dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyey iyo kuwa lagu socodsiinayey howl maalmeedka shaqo ee gobolka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sida ku cad farqadda 9aad (e), Dowladda Hoose ee Xamar, waxey beenineysaa dhammaan eedeyntan, waxayna cadeyneysaa inay leedahay hab raaca iibka oo waafaqsan sharciga iibka Qaranka, oo bixinta Qandaraasyada iyo iibka waxaa loo marsiiyaa habraaca iibka ay Dowladda Hoose leedahay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sida ku cad farqadda 9aad (f), Maamulka Gobolka Banaadir &amp; Dowladda Hoose Xamar wuxuu siiyaa shaqaalaha xuquuqda ay leeyihiin waxaana wax kama jiraan ah eedeynta loo soo jeediyey ee ah in laga jaray shaqaalha Dowladda Hoose gunnooyinkooda saami dhan 30%, oo xisaab xirka ay ku cadahay in tan iyo 2015kii aan shaqaalaha laga jarin saami 30%.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sida ku cad farqadda 9aad (g), Maamulka G\/Banaadir waxuu beeninayaa eedeynta ah in Maamulka uu helay qoondo dheeri ah ee miisaaniyadda Dowladda Dhexe. Lacagaha dheeriga ah ayaa ah tan SURGE support ee caalamku ugu deeqo dhammaan gobollada dalka , lacagtaas oo loogu tala galay shaqo abuurka dhalinyarada iyo mashaariic lagu horumarinaayo Gobolka sida dhismaha laamiga ee waddada xeebta liido.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sidaas darteed, waxaa mar waliba maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ka go\u2019an in ay u hogaansanaato isla xisaabtanka iyo qancinta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho, hase yeeshee shacabka Muqdisho marna ma aqbali karaan in shaqasiyaad dano gaar ah leh ay marin habaabiyaan horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ku talaabsanayo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>DHAMMAAD<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir<\/p>\n<p>Axmed-nur Maxamed<\/p>\n<p>Madaxa Warfaafinta Xafiiska Guddoomiyaha G\/Banaadir<\/p>\n<p>E-mail:\u00a0<a href=\"mailto:ahmed@bra.gov.so\">ahmed@bra.gov.so<\/a><\/p>\n<p>E-mail:\u00a0<a href=\"mailto:media@bra.gov.so\">media@bra.gov.so<\/a><\/p>\n<p>Facebook:\u00a0<a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/MinisterYarisow\/\">https:\/\/www.facebook.com\/MinisterYarisow\/<\/a><\/p>\n<p>Twitter: @engyarisow<\/p>\n<p><a href=\"#_ftnref1\" name=\"_ftn1\">[1]<\/a>\u00a0 Cabdi Axmed<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maamulka gobolka Banaadir oo dhowaan kajawaabayey warbixinta guddiga maaliyadda ee golaha shacabka ayaa soosaaray warsaxaafeed kuqoran lahjad adag oo lagu sheegay in shaqsiyaad kamid ah gudiga maaliyadda golaha shacabku ay si gaar ah u soosaareen warbixintaas. Haddaba Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay\u2019adaha Dowladdu isaga oo soo xiganaya wrabixinta Hantidhowrka qaranka ee tixraaceedu yahay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":12128,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,1,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12122"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12122"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12122\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/12128"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12122"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12122"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12122"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}