{"id":12094,"date":"2018-11-26T05:07:40","date_gmt":"2018-11-26T05:07:40","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=12094"},"modified":"2018-11-26T05:07:40","modified_gmt":"2018-11-26T05:07:40","slug":"wasiir-bayle-41-milyan-ayay-u-xayiran-tahay-daabacaadda-lacagta-cusub","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wasiir-bayle-41-milyan-ayay-u-xayiran-tahay-daabacaadda-lacagta-cusub\/","title":{"rendered":"Wasiir Bayle &#8220;$41 Milyan ayay u xayiran tahay Daabacaadda lacagta cusub&#8221;."},"content":{"rendered":"<p>Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ka hadlayay lacagta cusub ee dowladda soo bandhigtay xiliga lasoo saarayo ayaa sheegay in ay u xanniban tahay $41 Milyan oo Doolar.<\/p>\n<p>Wasiir Bayle ayaa sheegay in shuruudo dhowr ah oo la hordhigay Soomaaliya ay kasoo gudbeen, balse kaliya ay sugayaan lacagta lagu daabacayo.<\/p>\n<p>Mar la weydiiyay lacagtaas in ay Dowladda federaalka ay dabari karto, waxa uu sheegay in lacagaha loogu talagalay socod siinta Dowladda ee lagu kabo Miisaaniyadda aan lagu bixin karin.<\/p>\n<p>Dadaalo ku saabsan sidii loo heli lacagtaas ayuu tilmaamay in Madaxda Dowlada federaalka ay wadaan, iyaga oo Dalalka taageera Soomaaliya kala hadlay.<\/p>\n<p>Isticmaalka lacagta shillin Soomaaliga waxaa kaliya ka haray kunka shilin (1000 Sh.so), Bartamaha Soomaaliya lagama isticmaalo, halka deegaanada qaar laga isticmaalo mid dalka lagu sameeyay.<\/p>\n<p>Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay usoo bandhigtay naqshad lacageed ka weyn kunka shillin oo ugu weynaa lacagihii la isticmaalay muddo dheer.<\/p>\n<p>Wasiir Bayle oo Wareysi siiyay Idaacadda VOA ayaa sheegay in rajadoodu tahay soo saarista Lacagta Cusub ee shillin Soomaaliga ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ka hadlayay lacagta cusub ee dowladda soo bandhigtay xiliga lasoo saarayo ayaa sheegay in ay u xanniban tahay $41 Milyan oo Doolar. Wasiir Bayle ayaa sheegay in shuruudo dhowr ah oo la hordhigay Soomaaliya ay kasoo gudbeen, balse kaliya ay sugayaan lacagta lagu daabacayo. Mar la weydiiyay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":1235,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12094"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12094"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12094\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1235"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12094"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12094"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12094"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}