{"id":11674,"date":"2018-11-20T05:26:46","date_gmt":"2018-11-20T05:26:46","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=11674"},"modified":"2018-11-20T08:16:00","modified_gmt":"2018-11-20T08:16:00","slug":"itoobiya-oo-qunsulkeedii-kala-baxday-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/itoobiya-oo-qunsulkeedii-kala-baxday-somaliland\/","title":{"rendered":"Itoobiya oo Qunsulkeedii kala baxday Somaliland!"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa\u00a0dib ugu yeertay \u00a0Qunsulkii u joogay Somaliland iyada oo arrintaasi aan ilaa hadda si rasmi ah loo sababeyn.<\/p>\n<p>Bereha Tesfay ayaa Isniintii diyaarad rayid ah ka raacay Magaalada Hargeysa, isaga oo ku laabtay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa dadka falanqeeya isbeddelka geeska Afrika waxa ay u arkaan in ay billow u tahay diblmaasiyad kala noqoshada Itoobiya ee Somaliland.<\/p>\n<p>Xildhibaan Ismaaciil Suldaan C\/Raxmaan oo xubin ka ah Baarlamaanka Somaliland\u00a0 ayaa sheegay in\u00a0Bereha Tesfay, uu saraakiisha Somaliland ku wargeliyay in ay u yeertay dowladdiisa isaga oo aan sheegin wax intaas dhaafsiisan.<\/p>\n<p>Dadka falanqeeya Isbeddelka uu wado Ra&#8217;isalwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in arrintan ay u badan tahay in Itoobiya ay xafiiskeedii diblomaasiyadeed ee sida dadban u shaqeynayay kala noqotay Somaliland.<\/p>\n<p>Qodobo ka soo baxay shirkii Magaalada Baxardaar ee Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka mid aha ain Itoobiya iyo Eritrea ay dhowraan midnimada dhuleed iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.<\/p>\n<p>Haddii sidaas uu ku istaago xiriirkii diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ayey qubarrada falanqeeya diblomaasiyadda sheegayaan in Somaliland ay dhabar jab ku tahay taas oo 27kii Sano ee la soo dhaafay raadineysay aqoonsi Caalami ah.<\/p>\n<p>Xiriirka Jabuuti iyo maamulka Somaliland ayaan isaguna fiicneyn kaddib markii ay Somaliland heshiis la gashay Sharikadda DPWorld ee lagu wareejiyay Berbera taas oo ay Jabuuti u aragtay tartan dhinaca dekadaha ah,waxaana ay ruqsaddii kala noqotay DPWorl oo maamuleysay Dekadda Dooraale ee Jabuuti.<\/p>\n<p>Somaliland ayaa dhawaan xafiis ka shaqeeya horumarinta Xiriirka Ganacsiga ka furatay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa isna dhawaan sheegay in Dowlado badan ay weydiisteen dowladda dhexe in ay qunsuliyado ka furtaan Magaalada Hargeysa kana oggolaadeen.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa\u00a0dib ugu yeertay \u00a0Qunsulkii u joogay Somaliland iyada oo arrintaasi aan ilaa hadda si rasmi ah loo sababeyn. Bereha Tesfay ayaa Isniintii diyaarad rayid ah ka raacay Magaalada Hargeysa, isaga oo ku laabtay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya. Arrintan ayaa dadka falanqeeya isbeddelka geeska Afrika waxa ay u arkaan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":11675,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,76,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11674"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11674"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11674\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/11675"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11674"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11674"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11674"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}