{"id":114191,"date":"2026-10-17T17:24:21","date_gmt":"2026-10-17T16:24:21","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=114191"},"modified":"2026-10-17T17:24:21","modified_gmt":"2026-10-17T16:24:21","slug":"soomaaliya-oo-u-soo-baxday-finalka-tartanka-cecafa-u-17","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/soomaaliya-oo-u-soo-baxday-finalka-tartanka-cecafa-u-17\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo u soo baxday finalka Tartanka CECAFA U-17"},"content":{"rendered":"<p>Xulka qaranka Soomaaliya ee da\u2019doodu ka hooseyso 17 sano ayaa u soo baxay finalka tartanka kubadda cagta ee da\u2019yarta, kaddib markii uu rigoorayaal 5-4 ah kaga adkaaday xulka Rwanda.<\/p>\n<p>Ciyaarta oo ka tirs ahayd wareegga afar-dhamaadka tartanka ayaa waqtigii loogu talagalay ku dhammaatay barbarro 1-1 ah, taas oo keentay in labada xul ay rigoorayaal isku mariyaan si loo kala saaro.<\/p>\n<p>Xulka Soomaaliya, oo loo yaqaan Ocean Stars, ayaa guushan ku xaqiijistay booskiisa finalka, halka Rwanda ay tartanka ka hartay.<\/p>\n<p>Guusha ayaa Soomaaliya u abuureysa fursad ay mar kale ugu guuleysato tartankan, kaddib markii ay koobka hore u qaadday sannadkii 2022.<\/p>\n<p>Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Cali, iyo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed Cali Shiine, ayaa hambalyo u diray ciyaartoyda xulka, iyaga oo ku ammaanay dadaalkooda iyo sida ay u mataleen dalka.<\/p>\n<p>Xulka Soomaaliya ayaa finalka 19-ka Oktoobar la ciyaari doona xulka Uganda, kaas oo isna booskiisa kama dambaysta ah ku xaqiijistay guushii uu ka gaaray Itoobiya.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xulka qaranka Soomaaliya ee da\u2019doodu ka hooseyso 17 sano ayaa u soo baxay finalka tartanka kubadda cagta ee da\u2019yarta, kaddib markii uu rigoorayaal 5-4 ah kaga adkaaday xulka Rwanda. Ciyaarta oo ka tirs ahayd wareegga afar-dhamaadka tartanka ayaa waqtigii loogu talagalay ku dhammaatay barbarro 1-1 ah, taas oo keentay in labada xul ay rigoorayaal isku&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":114192,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114191"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=114191"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114191\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":114193,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114191\/revisions\/114193"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/114192"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=114191"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=114191"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=114191"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}