{"id":114124,"date":"2026-10-14T10:34:15","date_gmt":"2026-10-14T09:34:15","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=114124"},"modified":"2026-10-14T10:34:15","modified_gmt":"2026-10-14T09:34:15","slug":"golaha-shacabka-bfs-oo-ansixiyay-xeerka-la-dagaalanka-kufsiga-anshax-xumada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/golaha-shacabka-bfs-oo-ansixiyay-xeerka-la-dagaalanka-kufsiga-anshax-xumada\/","title":{"rendered":"Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Xeerka la dagaalanka Kufsiga &#038; Anshax xumada"},"content":{"rendered":"<p>Golaha Shacabka Baarlamanaka 11aad ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka la dagaalanka Kufsiga iyo Anshax xumada oo fadhiyadii u dambeeyay doodo la xiriira qodobada ku jira xeerkaas ay is dhaafsadeen Xildhibaanno katirsan Golahaas.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo codayn geliyay Hindise sharciyeedkaan oo horay u maray aqrinta koowaad, labaad iyo saddexaad oo sida sharciga ah in codayn lagu ansixiyo ama lagu diido.<\/p>\n<p>Fadhiga guud ee Baarlamaanka oo ahaa 140 Xildhibaan, ayaa natiijada codaynta kasoo baxday noqotay 132 Mudane aya ogolaatay, 5 aamustay halka ay diideen 3 Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku dhawaaqay natiijadaas.<\/p>\n<p>Soomaaliya waxa ay kamid tahay Dalalka ay ka dhacaan kiisaska kursiga uu kamid yahay, qaar kamid ah Kiisaskaas ayaa lagu xaliyaa Maxkamad halka kuwo kale si hoose ay u xaliyaan ehellada Dhibbanaha iyo kuwa kufsiga gaysta.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Shacabka Baarlamanaka 11aad ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka la dagaalanka Kufsiga iyo Anshax xumada oo fadhiyadii u dambeeyay doodo la xiriira qodobada ku jira xeerkaas ay is dhaafsadeen Xildhibaanno katirsan Golahaas. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo codayn geliyay Hindise sharciyeedkaan oo horay u maray aqrinta koowaad, labaad iyo saddexaad oo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":69883,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114124"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=114124"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114124\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":114125,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114124\/revisions\/114125"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69883"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=114124"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=114124"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=114124"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}