{"id":114096,"date":"2026-10-13T13:12:58","date_gmt":"2026-10-13T12:12:58","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=114096"},"modified":"2026-10-13T13:35:34","modified_gmt":"2026-10-13T12:35:34","slug":"dowladda-federaalka-soomaaliya-oo-cunaqabatayn-saartay-laftagareen-taliye-shub-iyo-8-ruux-oo-kale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dowladda-federaalka-soomaaliya-oo-cunaqabatayn-saartay-laftagareen-taliye-shub-iyo-8-ruux-oo-kale\/","title":{"rendered":"Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cunaqabatayn saartay Laftagareen, Taliye Shub iyo 8 ruux oo kale"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cunaqabatayn maaliyadeed kusoo rogtay 10 qof oo ay ku eedeysay inay ku lug leeyihiin maalgelinta iyo taageeridda AS.<\/p>\n<p>Go\u2019aankan ayaa lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada, kaas oo sheegay in shaqsiyaadkaasi lagu daray Liiska Qaran ee Cunaqabataynta Maaliyadeed.<\/p>\n<p>Shaqsiyaadka liiska lagu daray waxaa kamid ah Cabdicasiis Xasan Maxamed oo loo yaqaan Laftagareen, Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan Shub, Xasan Cabdi Maxamed oo loo yaqaan Ugaas Xasan, iyo Ibraahim Aadan Cali Najah.<\/p>\n<p>Sidoo kale, liiska waxaa ku jira Xasan Cabdulkadir Maxamed, Cabdullaahi Cali Watiin, Cabdifitaax Mahad Cabdiraxmaan, Cabdimajiid Mowliid Xasan, Amiin iyo Abshir Aadan Isaaq.<\/p>\n<p>Guddigu wuxuu sheegay in go\u2019aankan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada.<\/p>\n<p>Guddiga ayaa sidoo kale uga digay muwaadiniinta iyo hay\u2019adaha inay u hoggaansamaan go&#8217;aanka dowladda, isla markaasna aan xiriir lala sameyn karin shaqsiyaadkaasi.<\/p>\n<p>Go&#8217;aanka dowladda ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay Ciidamo taabacsan Laftagareen weeraro ku soo qaadayeen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cunaqabatayn maaliyadeed kusoo rogtay 10 qof oo ay ku eedeysay inay ku lug leeyihiin maalgelinta iyo taageeridda AS. Go\u2019aankan ayaa lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada, kaas oo sheegay in shaqsiyaadkaasi lagu daray Liiska Qaran ee Cunaqabataynta Maaliyadeed. Shaqsiyaadka liiska lagu daray waxaa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":114097,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114096"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=114096"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114096\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":114100,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114096\/revisions\/114100"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/114097"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=114096"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=114096"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=114096"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}