{"id":114042,"date":"2026-10-11T10:09:21","date_gmt":"2026-10-11T09:09:21","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=114042"},"modified":"2026-10-11T10:09:21","modified_gmt":"2026-10-11T09:09:21","slug":"heritage-oo-muqdisho-ka-furtay-shir-looga-hadlayo-dhismaha-dg-hirshabeelle-caqabadaha-fursadaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/heritage-oo-muqdisho-ka-furtay-shir-looga-hadlayo-dhismaha-dg-hirshabeelle-caqabadaha-fursadaha\/","title":{"rendered":"Heritage oo Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo Dhismaha DG HirShabeelle, Caqabadaha &#038; Fursadaha"},"content":{"rendered":"<p>Machadka Heritage ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay shir looga hadlayo Dhismaha Dowlad-Goboleedka HirShabeelle iyada oo laga eegayo caqabadaha iyo fursadaha, waxaana lagu martiqaaday mas\u2019uuliyiin kala duwan.<\/p>\n<p>Shirkaan oo ah mid hal maalin ah waxaa lagu soo bandhigayaa daraasado la xiriiro Maamulka HirShabeelle iyada oo doodaha lagu martiqaaday mas\u2019uuliyiin kala duwan oo qayb ka ahaa dhismaha Dowlad-Goboleedkaas iyo kuwo xilal ka haya.<\/p>\n<p>Dadka fursadaha u helay ka qaybgalka shirkaan ayaa su\u2019aalo weydiin loo furayaa si ay su\u2019aalaha ay qabaan u weydiiyaan martida ka qaybgalaya doodaha ugana jawaabaan sida ku xusan jadwalka shirka loo diyaariyay.<\/p>\n<p>Daraasadda baarista ah ee lagu soo bandhigayo shirkaan saacadaha uu socda ayaa la dhinac dhigayaa xogta kasoo timaada ka qaybgalayaasha oo intooda badan kasoo jeeda Dowlad-Goboleedka HirShabeelle sida uu Mustaqbal Media sheegay Dr Yuusuf Sheekh Cumar.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cMadashaan waxa ay ku saabsan tahay Dowlad-Goboleedka HirShabeelle, weliba waxa ay kusoo aadday xili ay doorasho ka dhacday, Dadka la martiqaaday waxa ay u badan yihiin Maamulkaas, cilmi-baarista aan samaynay halkaas ayaan kasoo uruurinay, sidoo kale waxa aan rabnaa in cilmi-baaristeenna iyo tan dadka kale lana wadaagayaan in ay isku waddo ku socdaan oo ay is kaabayaan.\u201d<\/em><\/strong> Dr. Yuusuf Sheekh Cumar, Cilmi-baare sare oo katirsan HIPS<\/p>\n<p>Dr. Cabdirashiid Ismaaciil, Agaasime Kuxigeenka Cilmi-baarista Machadka Heritage ayaa dhankiisa Mustaqbal u sheegay in xog-baaristooda lagu ogaanayo waxyaabaha ka dhiman iyo kuwa dhammaystirmay ee Maamulka HirShabeelle sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cMaanta waxaan soo bandigeynaa 10 sano maxaa u saxmay maxaase ka khaldamay Maamulka Hirshabeelle, marka waxaa loo baahan yahay maxaa dhiman ama dhammaystirmay, talooyin ayay daraasaddu soo jeedinaysaa.\u201d<\/em><\/strong> Sidaasi waxaa yiri Agaasime ku xigeenka Cilmi-baarista Machadka Heritage, Dr Cabdirashiid Ismaaciil<\/p>\n<p>Heritage waa machad madax-bannaan oo ka shaqeeya cilmi-baarista, falanqaynta siyaasadda iyo daraasadaha la xiriira xaaladda Soomaaliya, tan iyo markii la aasaasay waxa uu qabtay kulamo kala duwan oo waxyaabihii dhaxal-galka ahaa la diiwaangeliyay.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Machadka Heritage ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay shir looga hadlayo Dhismaha Dowlad-Goboleedka HirShabeelle iyada oo laga eegayo caqabadaha iyo fursadaha, waxaana lagu martiqaaday mas\u2019uuliyiin kala duwan. Shirkaan oo ah mid hal maalin ah waxaa lagu soo bandhigayaa daraasado la xiriiro Maamulka HirShabeelle iyada oo doodaha lagu martiqaaday mas\u2019uuliyiin kala duwan oo qayb ka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":114043,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,81],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114042"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=114042"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114042\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":114044,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114042\/revisions\/114044"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/114043"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=114042"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=114042"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=114042"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}