{"id":11400,"date":"2018-11-17T04:11:05","date_gmt":"2018-11-17T04:11:05","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=11400"},"modified":"2018-11-17T04:13:13","modified_gmt":"2018-11-17T04:13:13","slug":"daacish-oo-sheegtay-in-ay-ka-aargudaneyso-al-shabab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/daacish-oo-sheegtay-in-ay-ka-aargudaneyso-al-shabab\/","title":{"rendered":"Daacish oo sheegtay in ay ka aargudaneyso Al-shabab"},"content":{"rendered":"<p>Wargeyska Al\u00a0 Naba ee ku hadla afka Ururka Daacish ayaa lagu daabacay qoraal markii ugu horresay si rasmi ah looga hadlayo dagaalka u dhaxeeya\u00a0 Daacish iyo Al-shabaab.<\/p>\n<p>Al Naba,waxaa ay daabacday xubno hore oo ka goostay Al-shabaab kuna biiray Daacish,kuwaas oo ay markii dambe dileen Al-shabaab.<\/p>\n<p>Qoraalka ayaa lagu yiri \u201c waxaan diiwaangelinay dambiyada ka dhanka ah xubnaheena, ma sameynin\u00a0 aargudasho,nagamana aha tag darri ee waxaan dooneynaa in dadka\u00a0 aan barno,waxa ay\u00a0 sameynayaan Garabka Al-Qaacidda ee Soomaaliya, jawaabta Ururka Daacish waa ay soo socotaa\u201d.<\/p>\n<p>Wargeyska Long War Journal oo soo xiganaya Wargeyska Afk Daacish wax ku qora ee Al Naba ayaa sidoo kale daabacay qaar ka mid ah magacyada xubno ka mid ahaa Daacish oo ay Al-shabaab dileen,waxaana ka mid ahaa; Bashir Abu Numan, Hussein Abdi Gedi, Muhammad Makkawi, iyo \u00a0Abdul Wadud. Abu Numan.<\/p>\n<p>Daacish waxaa ay sheegtay in xubnahaas\u00a0 qaarkood ay AL-shabaab dileen iyaga oo ka xun in ay iyaga ka goosteen kaddibna ku biireen Daacish,waxaana Ragga la dilay ka mid ah \u00a0Abdul Wadud Abu Numan, oo la dilay November 2015kii.<\/p>\n<p>Al-Naba dhacdooyinka ugu dambeeyay ee ay diiwaangelisay waxaa ka mid ah qof ajanabi ah kuna hadla afka Sawaaxiliga oo ay sheegeen Al-shabaab in ay xireen,lana jir dilay sidoo kale waxaa Al-Naba ay baahisay magacyada dad qaraabo la ah xubnaha Daacish ku jira oo intooda badan la dilay ama la xiray.<\/p>\n<p>Wargeyska Al Naba ayaa sidoo kale sheegay in Garabyada Daacish ee dalalka Ciraaq, Syria, Yemen, Khurasan, Libya, iyo Somalia ay isku xiranyihiin.<\/p>\n<p>Isha: Longwarjournal\/ Al Naba.<\/p>\n<p>Halkan ka eeg Linkiga<a href=\"https:\/\/www.longwarjournal.org\/archives\/2018\/11\/islamic-state-warns-shabaab-of-impending-battle-in-somalia.php\">https:\/\/www.longwarjournal.org\/archives\/2018\/11\/islamic-state-warns-shabaab-of-impending-battle-in-somalia.php<\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wargeyska Al\u00a0 Naba ee ku hadla afka Ururka Daacish ayaa lagu daabacay qoraal markii ugu horresay si rasmi ah looga hadlayo dagaalka u dhaxeeya\u00a0 Daacish iyo Al-shabaab. Al Naba,waxaa ay daabacday xubno hore oo ka goostay Al-shabaab kuna biiray Daacish,kuwaas oo ay markii dambe dileen Al-shabaab. Qoraalka ayaa lagu yiri \u201c waxaan diiwaangelinay dambiyada ka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":11401,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11400"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11400"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11400\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/11401"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11400"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11400"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11400"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}