{"id":11374,"date":"2018-11-16T10:38:34","date_gmt":"2018-11-16T10:38:34","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=11374"},"modified":"2018-11-16T10:38:34","modified_gmt":"2018-11-16T10:38:34","slug":"dibadbax-dhimasho-iyo-dhaawac-geystay-oo-ka-dhacay-degmada-baardheere","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dibadbax-dhimasho-iyo-dhaawac-geystay-oo-ka-dhacay-degmada-baardheere\/","title":{"rendered":"Dibadbax Dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Degmada Baardheere."},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in rabshado u dhaxeeyay Dad ka careysan Gudoomiye Cusub oo Degmada Loo Magacaabay iyo Ciidamada Itoobiya.<\/p>\n<p>Qof kamid ah dadka degmada ayaa Mustaqbal u sheegay in 4-ruux ay geeriyoodeen halka ay ku dhaawacmeen 6-kale, kadib rasaas ay fureen Ciidamada Itoobiya.<\/p>\n<p>Dadka dhaawacmay waxaa la geeyay Goobaha Caafimaadka si loogu daweeyo, waxaana wararka ka imaanaya Baalrdheere ay inta ku darayaan in ay taagan tahay Xiisad ka dhalatay rabshadda.<\/p>\n<p>Is qab-qabsi u dhaxeeya Beelaha Degmada ayaa loo sababeynayaa in Rabshadaha lagala hortagay Gudoomiyaha Cusub.<\/p>\n<p>Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM ayay Wararku sheegayaan in Gudoomiyaha Cusub ay geeyeen Xarun ay sugaan Ammaankeeda.<\/p>\n<p>Cali Yacquub Nuur oo kamid ah Odoyaasha Dhaqanka Baardheere oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Xiisadda ka dhalatay Magacaabista ay ugu darantay Dadka Dhimashada iyo Dhaawaca loo geystay.<\/p>\n<p>Ciidamada Dowladda ayuu sheegay Nabadoonka in ay ku baxeen daminta Xiisadaan, iyaga oo Ciidamada Itoobiya kala hadlaya sidii aan ugu qayb noqon Xiisadda dhanka Maamulka ah ee Degmada ka jirta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in rabshado u dhaxeeyay Dad ka careysan Gudoomiye Cusub oo Degmada Loo Magacaabay iyo Ciidamada Itoobiya. Qof kamid ah dadka degmada ayaa Mustaqbal u sheegay in 4-ruux ay geeriyoodeen halka ay ku dhaawacmeen 6-kale, kadib rasaas ay fureen Ciidamada Itoobiya. Dadka dhaawacmay waxaa la geeyay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":11376,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,78,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11374"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11374"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11374\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/11376"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11374"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11374"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11374"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}