{"id":113383,"date":"2026-09-13T12:14:49","date_gmt":"2026-09-13T11:14:49","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=113383"},"modified":"2026-09-13T12:14:49","modified_gmt":"2026-09-13T11:14:49","slug":"khilaafaadka-siyaasadeed-ee-ka-jira-hirshabeelle-dib-ma-u-dhigi-karaan-doorashada-bishaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/khilaafaadka-siyaasadeed-ee-ka-jira-hirshabeelle-dib-ma-u-dhigi-karaan-doorashada-bishaan\/","title":{"rendered":"Khilaafaadka Siyaasadeed ee ka jira HirShabeelle, dib ma u dhigi karaan doorashada bishaan?"},"content":{"rendered":"<p>Deegaannada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa ka jira khilaafaad siyaasadeed oo salkiisu yahay awood qaybsiga cidda noqonaysa Hoggaamiyaha cusub sida Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana arrintaas ka dhashay dooddo siyaasadaysan.<\/p>\n<p>Doodahaas ayaa su\u2019aalo badan la dulsaaray rajada laga qabo qabsoomidda Doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee loo asteeyay in ay qabsoomaan 30ka September 2026 iyo marxalada ka horreysa ee ololaha Ururrada diiwaangashan.<\/p>\n<p>Siyaasiyiinta oo intooda badan adeegsanaya hadallo ay ku kicin karaan Dadka si ay u taageeraan aragtidooda siyaasadeed ayaa gudbinaya fariimo ay ku xoojinayaan diidmadooda doorashada iyo taageeradooda doorashooyinkaas.<\/p>\n<p>Tani waxa ay dadka intooda badan dib u xusuusisay murankii taagnaa xiligii la dhisayay Maamulka HirShabeelle oo la isku qabsaday Caasimadda, Madaxweynaha iyo awood qaybsiga beelaha dega Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.<\/p>\n<p>Madaxweynaha &amp; ku xigeenka hadda xafiiska sii haya ee Maamulka HirShabeelle ayaa u muuqda in ay siyaasad ahaan dhabarka is xijiyeen oo mid weliba oo ku jira raadinta kursigiisa uu dib u billaabay olole dadban &amp; mid toos ah uu isu muujinayo.<\/p>\n<p>Inkasta oo doorashooyinka isku sidkan ee HirShabeelle aanay midkood lagu dooran doonin Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa haddana siyaasiyiinta kuraas raadiska ku jira ayaa difaac ka dhiganaya in danahooda ay caqabad uga dhigaan qabsoomidda doorashooyinkaas.<\/p>\n<p>10 sano kaddib oo HirShabeelle la aadayo doorashadii 4aad waxaa taagan caqabad ku dhow middii laga soo maray xiligii la dhisyay 2016, waxaana sabab u ah sadbursiga siyaasadeed ee lagu lifaaqayo fursadaha ka dhex jira Bulshada ee lagu kicin karo.<\/p>\n<p>Khilaafaadka Siyaasadeed ee ka jira HirShabeelle, dib ma u dhigi karaan doorashada lagu wado in ay ka dhacdo 30ka bishaan?<\/p>\n<p>Maxaase looga gudbi karaa caqabadahaas siyaasadeed ee jira?<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Deegaannada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa ka jira khilaafaad siyaasadeed oo salkiisu yahay awood qaybsiga cidda noqonaysa Hoggaamiyaha cusub sida Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana arrintaas ka dhashay dooddo siyaasadaysan. Doodahaas ayaa su\u2019aalo badan la dulsaaray rajada laga qabo qabsoomidda Doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee loo asteeyay in ay qabsoomaan 30ka September 2026&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":113384,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,256],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113383"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=113383"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113383\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":113385,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113383\/revisions\/113385"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/113384"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=113383"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=113383"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=113383"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}