{"id":113366,"date":"2026-09-13T07:21:03","date_gmt":"2026-09-13T06:21:03","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=113366"},"modified":"2026-09-13T07:21:03","modified_gmt":"2026-09-13T06:21:03","slug":"muxuu-yahay-qorshaha-cusub-ee-lagu-sugayo-amniga-baydhabo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/muxuu-yahay-qorshaha-cusub-ee-lagu-sugayo-amniga-baydhabo\/","title":{"rendered":"Muxuu yahay qorshaha cusub ee lagu sugayo Amniga Baydhabo?"},"content":{"rendered":"<p>Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa kulamo la xiriira adkaynta Amniga Magaalada Baydhabo la qaatay saraakiisha Ciidamada Federaalka iyo kuwa daraawiishta Mamaulkiisa, waxaa halkaas lagu dejiyay qorshooyin cusub.<\/p>\n<p>Sida ay inoo sheegeen ilo kala duwan, Aadan Madoobe oo ciidamo dheeraad ah ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu saraakiisha ciidamada ammaanka faray in ay bannaanka Magaalada Baydhabo ka samaystaan saldhig cusub.<\/p>\n<p>Ilahaan u xog warramay Mustaqbal Media waxa ay sidoo kale sheegeen in Ujeedka Saldhigyadaas cusub uu yahay in dhowr difaac laga hormariyo goobaha ugu dambeeya ee laga soo galo Magaalada Baydhabo si looga hortago weerarrada ku wajahan Magaaladaas.<\/p>\n<p>Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa la faray in ay si joogta ah u kormeeraan furimaha isla markaana ay ka warqabaan dhaqdhaqaaqa kusoo wajahan ee AS iyo Maleeshiyaadka ka amar-qaata Cabdicasiis Laftagareen sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p>Maalmihii u dambeeyay waxaa xasiloon Magaalada Baydhabo kaddib markii todobaadyo kahor ay dhowr jeer ka dhaceen weerarro ay mas\u2019uuliyaddiisa sheegteen Maleeshiyaadka Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya ayaa si loo xoojiyo nabadgalyada Magaalada Baydhabo waxa ay kordhisay ciidanka Federaalka ah ee Caawinaya kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ciidan dheeraad ah la geeyay Magaaladaas.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa kulamo la xiriira adkaynta Amniga Magaalada Baydhabo la qaatay saraakiisha Ciidamada Federaalka iyo kuwa daraawiishta Mamaulkiisa, waxaa halkaas lagu dejiyay qorshooyin cusub. Sida ay inoo sheegeen ilo kala duwan, Aadan Madoobe oo ciidamo dheeraad ah ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu saraakiisha ciidamada ammaanka faray in ay bannaanka Magaalada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":86892,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,79],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113366"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=113366"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113366\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":113367,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113366\/revisions\/113367"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/86892"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=113366"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=113366"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=113366"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}