{"id":113303,"date":"2026-09-10T10:30:51","date_gmt":"2026-09-10T09:30:51","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=113303"},"modified":"2026-09-10T12:19:39","modified_gmt":"2026-09-10T11:19:39","slug":"cabdiraxmaan-cirro-oo-shaaciyay-in-2000-oo-askari-ay-u-daabulayaan-qasa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/cabdiraxmaan-cirro-oo-shaaciyay-in-2000-oo-askari-ay-u-daabulayaan-qasa\/","title":{"rendered":"Cabdiraxmaan Cirro oo shaaciyay in 2,000 oo askari ay u daabulayaan Qasa"},"content":{"rendered":"<p>Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa shaaciyay in ay diyaariyeen ilaa 2,000 oo Askari oo la geyn doono Qasa, haddii ay soo codsadaan dalalka Israa\u2019iil iyo Mareykanka.<\/p>\n<p>Cirro oo su\u2019aalo lagu waydiiyay shir ka qabsoomay dalka Mareykanka ayaa caddeeyay in ay ciidamadooda heegan yihiin, balse ay kaliya sugayaan in la soo dalbado.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wuxuu shaaciyay in Askarta Maamulka Waqooyi Galbeed ay gaarayaan ku dhowaad 25,000 askari oo isugu jira Militeri iyo Booliis.<\/p>\n<p>Hadalka Cirro ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanka iyo dhinacyo kale ay wadaan qorshe lagu dhisayo ciidamo caalami ah oo loo diro Qaza, kuwaas oo ugu dambeyn la doonayo inay gaaraan ku dhowaad 20,000 oo askari.<\/p>\n<p>Ciidamadaas ayaa loo qorsheeyay inay ka shaqeeyaan sugidda amniga gaar ahaan ka hortaga soo laabashada Xamaas.<\/p>\n<p>Uganda ayaa horey ugu dhawaaqday inay howlgalka ku biirin doonto ku dhowaad 1,200 askari, halka ay tiro kalena ka imaan doonaan dalalka Morocco, Albania, Kazakhstan iyo Kosovo.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa shaaciyay in ay diyaariyeen ilaa 2,000 oo Askari oo la geyn doono Qasa, haddii ay soo codsadaan dalalka Israa\u2019iil iyo Mareykanka. Cirro oo su\u2019aalo lagu waydiiyay shir ka qabsoomay dalka Mareykanka ayaa caddeeyay in ay ciidamadooda heegan yihiin, balse ay kaliya sugayaan in la soo dalbado&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":93114,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113303"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=113303"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113303\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":113307,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113303\/revisions\/113307"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/93114"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=113303"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=113303"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=113303"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}